#Afrika: Waa Been Abuur Diidmada Dal kugalka Mareykan ee Madaxweynaha CAF

11

CAF waxaay heshay warar ka soo baxay qeybaha warbaahinta iyo Baraha bulshada kuwada xiriiiran, iyagoo isla dhex marayaa in madaxweynaha CAF loo diiday in la siiyo  fiisaha dal kugalka Mareykanka si uu uga qeyb galo shirka Golaha Xiriirka kubadda Cagta ee FIFA kaas oo 15ka March 2019 ka dhacaya magaalada Miami .Xiriirka kubada cagta ee Afrika oo afka qalad lagu yirahdo Confederation Africaine de Football ayaa ka yaabey ujeedooyinka ay ka leyihiin bulshadda isla dhexmaraysa macluumaadka been abuurka ah, iyaga oo aan xaqiijin inuu warkan sax yahay iyo in kale in ay sii faafiyaan, waxaa ay ka helayaan.

Waxaan xaqiijineynaa bahda kubada cagta Afrika inaysan marnaba aysan jirin warkaas oo aan loo diidin madaxweynaha CAF Ahmad Ahmad fiisaha dal kugalka ee Mareykanka.

Sida xubnaha kale oo ka tirsan Golaha FIFA, wuxuu haystaa fiiso rasmi ah oo ay soo saartay Safaaradda Maraykanka ee dalka Masar.

Madaxa xiriirka CAF wuxuu aad uga warqabaa nidaamka helitaanka fiisada wuxuuna raacayaa shuruucda waddan kasta uu yaal.

Sidaas darteed CAF waxaay ku boorineysaa dhinacyada faafinaya macluumaadka beenta ee aan sal iyo raad laheyn in ay ixtiraamaan xeerka habdhaqanka saxaafadda calaamka uu degsan.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More