Afhayeenka Baarlamaanka Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

36,927

Gudoomiyaha baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, Maxamed Cali Xaamud, ayaa Isniinta maanta ah lagu soo dhaweeyay Muqdisho.

Dhigiisa Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxmed Mursal Cabdiraxmaan iyo xubno kale ayaa kaga hortagay madaarka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Xaamud iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa waxaa loo galbiyey gudaha magaaladda caasimadda ah, gaar ahaan goob loogu talogalay in lagu qaabilo.

Lama ogga ujeedka dhabta ah ee socdaalka Xaamud. Balse warar ayaa sheegaya in uu u sii gudbi doono Baydhabo, xarunta KMG Koonfur Galbeed.

Munaasabad lagu daah-furayo kalfadhiga 5aad ee Golaha Wakiiladda dowlad goboleedkaas ayaa la tibaaxayaa in uu ka qeybgali doono.

Mursal ayaa lagu wadaa in uu ku wehliyo safarkiisa Baydhabo, kaasi oo dhankiisa la rajeynayo in uu kasoo muuqdo munaasabadda.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay maadaama degaanadda maamulkaas ay qaybo kmaid ah maamusho kooxda argagixisadda ah ee AlShabaab.

Kal-fadhiga 5aad ayaa lagu waramayaa in uu noqonaya midka ugu dambeeya ee Xildhibaanada haatan ee Koonfur Galbeed, waxaana kadib lasoo xulayaa xubno kale.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More