#Afar ujeedo oo ka dhan ah Soomaaliya oo ay kenya u daneyneyso xubinmada Golaha Qaramada Midoobay

74,233

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Kenya ayaa xusul-duub waxay ugu jirtaa kursi aan joogto ahayn oo ay ka hesho Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, wallow ay wajaheyso loolan adag.

Xifaaltanka ugu daran ayaa wuxuu kaga imaanaya dhinaca Jabuuti, Jamhuuriyadaasi oo gaashaanka ku dhufatay codsi uga yimid Nairobi oo ku aadan in ay uga tanaasusho, kana harto tartanka.

Coddeynta loogu soo baxayo jagadaasi oo ka dhaxeeya dalalka Afrika kaasoo xil-heyntiisu tahay 2021-22 ayaa waxaa loo balansan yahay in ay qabsoonto bisha June ee sanadkan dambe ee 2020.

Hadaba, warbaahinta maxaliga ah ee kasoo baxda gudaha Kenya oo soo bandhigay ujeedooyinka dowladood ugu han-qaltaageyso xilkaasi ayaa waxaa ku jira qaar ka dhan ah Soomaaliya oo kala ah;

Joojinta xukunka ICJ ee dacwadda badda

Soomaaliya, oo dacwadda gudbisay 2014-kii, iyo Kenya, oo waan-waan dooneysa tan iyo waqtigaasi, ayaa isku haya xuduud badeed gaar ahaan goob badkeeda lagu qiyaasay 100 KM oo isku wareeg ah.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka oo dhageysiga gal-dacwadeedkaasi dib u bilaabeysa bisha September ayaa hadii Kenya ay kursigaasi hanato waxay uga faa’ideysan kartaa in ay joojiso xukun xeer-beegtada.

Ilaalinta danaheeda Soomaaliya

Wargeyska Daily Nation ayaa baahiyey in xukuumadda Uhuru Kenyatta ay rabto in kursigaasi ay uga faa’ideysato ilaalinta danaheeda Soomaaliya si gaara Badda Cas, aaga amniga iyo dhaqaalaha maxaliga.

Kenya ayaa waxaa dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika ka jooga ciidamo kuwaasi oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kaasoo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo liiska argagixisada lagu daro

Kenya oo dhowaan ka codsatay UN-ka in Al-Shabaab lagu daro liiska kooxaha argagixisada loogu yaaro ayaa hadii ay golahaasi kamid noqoto waxay dardargelin kartaa ayna karaar-siin kartaa olalaheeda.

Diblumaasiyiin hore iyo shaqsiyaad u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bini’aadanimada oo Ameerikaan ah ayaa Mareykanka waxay ka dalbadeen in uu qaadaco soo jeedintaasi.

Xuduudka

Mid kamid ah sohdimada ugu khatarta badan qaaradda Afrika marka ay timaado fal-dambiyeedyadda iyo gudbinta badeecooyinka sharci daradda ah, ayaa lagu sifeeyay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Kursigaasi ayaa wuxuu Kenya u badbaadin doonaa dhaqaalaha iyo ciidamada ay u adeegsato roondada ay ka wadaan xuduud Soomaaliya, halkaasi oo haatan ay uga baxdo dowladda Kenyatta dhaqaalo badan.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More