Abaar iyo biyo la’aan ka ka jirta gobolka Waqooyi

Gobolka Soomaalidu degto ee Waqooyi bari Kenya ayaa waxaa ka jira abaaro iyo biyo la’aan baahsan sida uu sheegay maamulka Mandheera.

Gobolka Mandheera waxa ka jira 3 caqabado oo waawayn kuwaas oo kala ah abaar daran, biyo la’aan baahsan iyo colaado, waxaana u sii dheer khayraadka oo ku yar maadaama dhaqaalaha gobolku uu ku tiirsanyahay xoollaha nool sida laga soo xigtay maamulka gobolka.

“Markasta oo abaar dhacdo, kumanaan xoolo ah ayaa dhinta” waxaana bulshada gobolka qasab ku qonota in ay ka barakacaan gobolka ayna adkaato in dhaqaalihiisu dib u soo kabto.

Shaqaalaha ururada aan dowliga aheyn ee halkaan ka howlgalayay ayaa qaxay kadib weerarada isdaba jooga ah ee Al-Shabaab ay ku qaadeen gobolka Waqooyi bari taas oo yaraysay gargaarka ay heli karaan shacabka Mandheera sida ay ku doodayso dowladda Kenya.

Shaqaalaha dowladda Kenya ee gobolka ayaa cararay ka dib markii ay bartilmaameed 1aad u noqdeen Al Shabaab. Sida uu sheegay maamulka Gobolka.

Gobolkaan baaxadda leh oo ay ku badanyihiin dadka xoola dhaqatada ah ayaa dhaqaalihiisu waxa uu ku tiirsanyahay xoollaha nool. Qiyaastii 62,000 qoys ayaa ah reer guuraa xoollo dhaqato ahgaar ahaan lo’da, ido iyo ari cadka sida lagu muujiyay natiijada tirakoobka Dowladda Kenya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More