8 Sababood oo Xubnaha Gudiga loo eryi karo

0

1. Guddiga waxaa ku jira xubno aan qarsoodi ahayn oo ka tirsan shaqaalaha rayidka ah iyo NISA

2. Xubnaha Komishanku ma laha aqoon, karti iyo xirfad ay ku meel mariyaan doorasho adag oo heerkan ah

3. Xubnaha Guddigu waxay u badan yihiin kooxihii ka qeyb qaatay ololihii doorashada Hogaamiye Farmaajo ee 2017

4. Waxay ku bixisay miisaaniyad adag 2 milyan oo doollar muddo 4 bilood ah iyada oo aan wax tabarucaad ah lagu darin hirgelinta doorashada.

5. Waxay lumiyeen kalsoonidii xisbiyada siyaasadeed ee ku lugta lahaa doorashada kadib markii ay ku milmeen xubnihii Guddiga & ololihii Farmaajo.

6. Komishanku wuxuu ku guuldaraystay inuu xakameeyo awooda xubnaha madaxtooyada ee dhinacyada Warfaafinta & Maaliyada.

7. In la sameeyo guddi ka ballaadhan, khibrad badan oo ay ku jiraan xubno lagu kalsoon yahay (Guddigii hore ee doorashooyinka 2016, Bulshada Rayidka ah)

8. Kala dirista guddigan ayaa door weyn ka qaadan karta qorshaha RW Rooble ee lagu dhisayo kalsoonida iyo niyadda mucaaradka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More