2 qof ayaa ku dhintay Jarmalka toogasho ka dhacday

12,522

Laba qof ayaa ku dhintay, kadib markii nin dablay ah oo hubaysan uu rassaas ku furay dad ku xoonsanaa goob laga tukaansado oo ku taalay bartamaha magaalada Halle ee bariga Jarmalka, sida ay sheegeen booliska maxalliga ah.

Dadka dhintay ayaa waxa ka mid ah labada qof ee dhintay waxana la rumaysan yahay in haweenaydan lagu dilay meel u dhaw bartamaha Suuqan, Muddo yar ka dib nin hubaysan ayaa rasaas ku furay dukaan ku yaal Kebab oo qiyaastii 600 mitir, u jiray meesha ay haweenaydu ku dhimatay, waxana uu halkan ku dilay nin kale.

Dhowr qof oo kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay falkan oo ay masuuliyiinta maxalliga ahi ku tilmaameen “duullaan”.

Hal qof oo la tuhunsan yahay ayaa boolisku gacanta ku dhigeen, waxana ay dadka magaaladas ku dhaqan boolisku uga sheegeen twitter-ka inay “feejignaadaan” ilaa inta xaalada la dainayo.

Masuuliyiinta ka hadashay dhacdan ayaa sidoo kale sheegtay in aanay wali kala cadayn in falkan uu ka dambeeyo hal qof iyo in uu ahaa mid qorshaysan oo ay jiraan dad kale oo ku lug leh

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More