#Raysal Wasaraha Itoobiya Oo La Kulmay Milatariga Xukunka Sudan La Wareegay

13,692

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa noqday hoggaamiyahii ugu horreeya ee la kulma saraakiisha golaha sare ee Milatariga Sudan ee Afgambiga ka seemay todobaadkii tagay dalkaasi Sudan.

War ka soo baxay xafiiska RW Abiy ayaa lagu sheegay in raysal Wasaarahu uu la kulmay General Galalande Alsheikh oo ka mid ah hogaanka Golaha Milatariga Sudan iyo wafdi uu hogaaminayo, kuwaas oo caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa u yimid xoojinta xidhiidhka labada dal, wixii ka dambeeyay markii madaxweyne Cumar Al-Bashiir laga fara maruujiyay talada dalkaasi

Madaxda millatariga ayaa ku boorriyay Itoobiya in ay sii wado taageerada dheer ee ay u hayaan Suudaan, halka Mr Abiy uu ugu baaqay in ay wax ka qabtaan “cabashooyinka dadka iyo walaaca laga qabo xasilooni daro soo food saarta Sudan.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More