Shekadii Xamar Xalwaan, iyo Maxaa laga Baran karaa

Magaalo madaxda Soomaalida, waxay leedahay magacyo badan oo loogu waco, ama loogu wici jiray, sida Xamar, Xamar Cadde, (dheemanka
Cad), magaca Muqdisho oo ah Carabi, (Maqcadu Shah), oo la micno ah kursiga Shaha ama Wambbarta boqork Iraan (Shaha). Muqdisho waxay leedahay taariikh dheer iyo
sheekooyin oo dadka intiisa badan aney u warhaynin, waxaana ka mid ah sheekadii “Xamar Xalwaan”.

Magaalada Muqdisho waxay ku taalaa geeska Afrika, waxayna dhinaca ku haysaa Badweynta Hindiya oo ka xigta dhanka bari. Wa magaalo qadiim
ah, waxaana ku noola dayoow kala duwan oo asalkooda ka soo jeedo, Somaali,
Carab, Iraani  iyo qowmiyado kala duwan,
kuwaasoo la baxay Reer Xamar .  Sidoo
kale deegaanada ku yiilay agaagaarka Xamar sida la ogyahay waa dhaqan Somaali
ah in dadka  magaalo, ama xaafad wada
deggan lagu magacaabo magaalada ama xaafadda ay ku noolyihiin sida reer Marka, reer
Kismaayo , ama xaafad ahaan reer Boondheere, reer Bilaajo, reer Xamar Weyne,
reer Shanggaani iwm.

Haddaba, waayadii hore waxaa magaalada Xamar ku
noolaanjiray dad la dhihi jiray  “Xamar
Xalwaan”, oo aad maalqabeen u ahaa, maalkooduna wuxuu ka koobnaa daaro,
macdanta sida qalinka iyo Dahab ka, maacdantaasi oo ay u istimaali jireen in ay
ku iibsadaan badeecooyinka badda uga soo degi jiray oo u badnaa raashin iyo
dhar.  Xamar Xalwaanku waxaa la sheegay
in ay ahaayeen dad qab weyn lahaa oo iskala weynaa iyaga dhexdooda in ay wax is
weeyddiistaan.

Daka Xamar Xalwaan, ma ahayn dad dhulka wax ku
beerta, ama xoolaha dhaqda, xiriina lama aysan laheeyn dadka deggan gudaha
dalka, sida beeraleeyda iyo xoolaaleyda ba. Waxaa raashinka iyo waxyaabaha
muhiimka u ahaa noloshooda u keeni jiray dooman ka yimida carriyo fog
-fog.  Waxayna badeecooyinka ku iibsan
jireen Dahab ama Qalin, hadba wixii badecada qiimaheeda yahay, lacagna ma
jirin.

Waxay sidaasi ahaata ba, waxaa dhacay bad xiran, oo
uu waqtiigii dheeraaday, muddaasina wax dooman ah ma imaanin.  Dadka Xamar Xalwaanka ahi, waxay maalia kasta
dhowraan badda haddii doon uun badeeco sidda ay soo muqaneyso ama ay uga jeedi
karaan meel fog oo ishu qaban karto….. si ay u arkaan bal haddi ay badeeco loo
sido u soo dhowdahay….  Muddo ka dib, waaxaa
ku dhashay walaac, walwal iyo rajo beel oo ayan weligood arkin, ama ayaan
maleeysanin…….Waxaa dhacday in laga quustay imaatinka doomanka, ka dibna qoys walba
bilaabay in uu isticmaalo raashinkii kaydka u ahaa…….kaasoo maalinba maalinta
ka dambbeeysa gabaabsi noqonaayaay, rajadii
raashin cusub oo yimaadana aad u
yaraatay…..dadkii Xamar Xalwaan waxay bilaabeen in qoyskii kaydkiisa
raashinka dhamaado uu irridda isku soo xiro, halkaasna ay si tartiib -tartiib
ah ay gaajo u dhintaan, iyaga iyo caruurtoodaba.  Dadkaani waxaa caado u ahayd inta ay dad wax
weeyddiisan lahaayeen in ay ka door bidaan in ay iska dhintaan, iyagoo
markaasina haysta Dahab iyo Qalin farabdan, kaas oo  ugu kedsanaa dheryo ama jalxado aad u adag oo
quruxbadan, oo loo yaqiinay “Mardhabaan.”. Mardhabaanadu waxaa lagu
duugi jiray dhuka, wuxuuna ka sameeysnaa “Ceramic”, kaas oo aan ciiddu cuni
jirin ama dhulka hoostiisa ku bololi jirin.

Qosaskii soo xirata waxay ku qur go’een guryahoodi
dhexdiisa madaama ay ceeb lahayd in wax la siiyo.   Qoysaskii kalena ee raashinka haystay kuma
dhacaan in ay raashikooda la qeybsadaan dadka raba in ay soo xirtaan ama u
deymiyaan, maxaa yeelay siintu ama deymintu ma aheeyn dhaqankooda.  Si Raashin loo helo, maalinkasta dadkii Xamar
Xalwaan waxay tagi jireen xeebta ayagoo rajeynaayo in ay doon u timmaaddo.  Doomankii waa imaan waayeen, qoosaskiina
maalinkasta tobonaan baa soo xiran jiray irridaha, kuwii kalena argagax weyn
baa ku soo batay, waxyna garan waayeen ama ku adkaatay sidii ay wax uga beddeli
lahaayeen arrintaasi.  Marka uu qoys soo
xiranaayo waxaaa laga ogaan jiray caruurta oo isu sheegi jiray marka ay
ciyaaraayaan  (anaga beri waan
xiraneeynaa irriddeena). Siddi ay maaliba maalinta ka dambbeysa ay qooysas
cusub u soo xiraneeyn, waxaa isku soo haray labadii qoys ee ugu
dambbeeyaya…………ugu dambbeyn, waxa sidii caadiga ahayd isku yimid si ay u
ciyaaraa labadii qoys caruurtooda, markaas kuwii keydka cuntada ka dhamaaday
caruurtoodada kuwi kale u sheegeen in ay manta ugu dambbeyso in ay ciyaaraan,
maxaa yeelay berri ayeey sheegeen in ay ayaguna soo xiran doonaan irridooda, waxayna
sheegeen in y aabbe iyo hooyo  sidaas
sheegay.  Waa sidaa ay ku socotay
xaaladda Xamar Xalwaan, welina an la arkin doon raashin keentay lamana
hayo.  Markii ay qooskii kale uu ogaaday
in ay reerkan berri aysan soo bixi doonni, waxay wal-wal weyn ku abuurtay
caruurtii oo ka xumaaday in ay berri keligood ciyaarayaan, oo aneey jiri dooni
kuwi kale ay la ciyaari jireen…… Caruurtii baa waalidkood ku yiri, anagu beri
saaxiibadeen ma soo baxidoonaan, maxaa yeelay waa xiranayaan.  Anaguna cid aan la ciyaarno ma jireeyso,
waxaay ahayen kuwii saxiibadeen ugu dambbeeyay.    Caruurtii baa ooyday, muujiyayana qalbi
xumo iyo yadiilo xumo.  Abbihii iyo
hooyadii caruurta ayaa fakaray, waxayna go’aansadeen in ay wixii raashi ah ee u
yaalay ay xeebta dhigaan si ay u badbaadiyaan reerka berri xeranaayo.  Sidii beey sameeyeen, rashiinkii keedkooda ku
jiray ayeey xeebta geeyeen,waxayna u kala dhigeen laba qeybood oo isla ega, ka
dibna, waxay irridda u garaaceen reerkii beri xiran lahaa.  Waxayna ku dhaheen:  “ waxaan idiin gaadnay raashin, oo doon baa
caawa timid, waana degdegeysay, raashinkii baan idiin gadnay ee kaalaya oo soo qaata
qarashakan iska bixiya” , reerkii baa ogolaaday, waxayna wada aadeen xeebta
si ay u soo kala qaataan cidkasta intii u tiilay, waxay iska bixiyeen qarashkii
loo sheegay oo markaasi ahaa dahab, iyagana waxay qaateen raashinkii sidaas
ayuu reekii ku badbaaday, kii kalena aan wehel la’aan noqonin. Muddo yar ka dib
waxaa yimid dooman farabadan si raashin looga iibsado, balse waxaa soo haray
labo qoys oo kaliya, waxayna iibsadeen wixii ay u baahnaayeen. Doomankiina
meelo kale ayeey u shiraacdeen si badeecadooda ay u suuq geeyaan, waxyna
go’aansadeen in ay laba qoys oo kaliya ay u soo rari doonin badeeco, madaama ay
ku khasaareen rarkoodaan.

Markii ay sidaas dhacday, waxaa wada arrinsaday
labadii qoys waxayna qoskii kale u sheegeen runta sidii ay ahayd.  Waxayna wada go’aansadeen hadda ka dib in aysan
sugin raashi badda ka yimda oo ay iyagu soo saartaan, beero abuurtaan, xoolo
dhaqdaan si aysan u dhicin wixii ku dhacay oo kale, sidaas oo keliya kuma
ekaanine, waxy dadrdaaran qoraal ah u dhaafeen dadka dhalandoona iyo kuwa ka
sii dambbeyo, in ay deg-deg u beertaan beero, una cootaan xoolo, si ay
baahidooda ugu filaadaan, isuna kaafiyaa.  Waxay kaloo caddeeyeen in Dahab iyo Daaro aan
waxba tarin haddi raashinkaada aad ka sugtid in ay kuu keenaan waddamo kale….

Mardhabaano
Dahab ka buuxa

Aqristee, waa sua’le maxaan ka baran karnaa sheekadaan?

Haddii aan u soo laabano xaaladdaa ay ku sugantahay
Somalia, iyo isku filaansha la’aanta xagga waxsoo saarka raashinka, iyo
buuxinta baahiyaha muhiimka u ah jiritaanka nolosha aadanaha, waxaan joognaa
meel aad u hooseyso.  Waxaa xaqiiqa ah in
dadkeena ku noolaa muddo soddon sano iyo dheeraad:

1.       Barakac Joogta ah

2.      Mucaawino
shisheeye,

3.      Camal
la’aan

4.      Tuugsi

5.      Abaaro

6.      Dagaalo
sokeeye

7.      Jaha
wareer siyaasadeed

8.      Dowlad
jilicsan

9.      Kala
qybsanaan

10.  Qabiilka
oo si xun loo istimaaloo

11.  Kuw
kale oo badan

Waxaa jirata in ugu yaraan seddax illa iyo afar
fasal aanan wax dalag ah la goosanin labadii sano ee ugu dambeysay 2020 -2022.  Dadkii wax soo saarka laf dhabarka u ahaa in
ay ka soo tageen howlahoodii, wax u beddelana aysan helin.  Dakii dhalinyarada ahaa, ay dhukale u qaxeen,
kuwa kalena dayaarado lagu dhoofiyay in ay ka shaqeeyaan Carabaha iyo meelo
kale ee aanla  hubin sida ay ugu nabad
gelidoonaan.

Waxa hadda aduunka ka socdo dagaal laga cabsi qabo
in uu fido, dalwalibana wexuu u diyaar garoobeyaa sidii ay sameeyntiisu ay u
yareen lahaayeen, iyagoo ku dadaalaayo keydkooda xagga raashinka in ay kordhiyaan
iyo waxyaabaha muhiimka u ah nolashooda iyo jiritaankooda.  Waxaa la yaab leh in dadka Soomaalida aysan u
jeedin in ay arrimahaasi oo kale ay ka tabaabusheeystaan, si ay isku filaan u
gaaraa……

Dalka iyo dadka Soomaalida waxay si sharaf iyo
dadnimo leh uga soo gudbeen xilliyo aad loogu dhamaaday oo aduun weynaha si
weyn u saameyay, waxayna xoogga saari jireen keydinta bardarka kala duwan oo
qaarkood loogu tala galay in la isticmaalo xilyada abaaraha, iyo marka ay jirto
macaluusha, waxaa la isticmaali jiray “Waambbaha” oo lagu dhergo in aad uga yar
inta laga qaato Bariiska, Masaggada ama Galeeyda.’

 Dhaqaalah
aduunkoo oo idil, ayaa hoos udhacay, dagaalkaasi dartiis, waxaa waddamo qaar la
la’yahay ama yaraaday qaali na noqday raashinka qaarkiis.  Dalkeenu wuxuu ka mid yahay aduunka, waxaana jirta
in dalka Somaalida uusan haysanin keyd raashin ah oo wadi karo haddii uu
dagaalka Ruushka iyo Ukreen uu daba dheraado, ama uu aduunka kale ku
baaho.  Waxaa muhiim ah in aan ognahay
maxaan ugu tala galnay haddii ay xaaladdu xumaato? Imisa bilood buu nagu
filanyahay raashin kaydka noogu jiro, waa haddi aanu haysana ba?

Inkasta ay Soomalidu leedahay xoolo farabadan, oo leh
Geel, Lo’, Ari, Ido, iyo Digaag ba, kheyraadka badda oo ay dheertahay ugaarta
iyo duurjoogta xalaasha ah oo la cuni kro haddii loo baahdo.  Hadana waxaad mooddaa in ay lumiyeen
kasoonidii ay ku isticmaali lahaayeen kheraadkooda, sida caanaha iyo hilbka
xoolaha dalka, kuwaas oo ah kuwa si dabiici ah u koray ama loo dhaqaaleeyo…..
Waxaad mooddaa in dadkii Soomaaliyeed qaarkood ka wareegeen cunista iyo
cabbista hilibka  iyo caanaha xoolaha
Soomaaliyeed, waxyna door ka bideen in ay cabban caano booro iyo hilib  gaar ahaan “ digaagga”  meelo kale laga soo waariday.   ….. Taasi waxay hoos u dhigeeysaa hanka
beeraleeyda, xoolaaleyda iyo xoogagga wax soo saarka hunguriga dalka, waxay ku
kalifeeysaa in ay iska daayaan in ay isku howlaan, madaama dadka isticmaala ay
aad u yaryihilin una leexdeen waxyaabo kale oo beddelay badeecaddooda, kuwaas
oo laga helo dukaamada “Supper Market” yada dalka, gaar ahaan kuwa ku yaala magalooyinka.

Taasi waxaa dheer in inta badan dadka ku howlan  soo saaridda quudka, mar kast ay ku socdaan
dagaalo sokeeye, oo laga soo bara kicinaayo goobihii ay ku sugnaayeen, haddana
ay degganyihiin cirifyada magaalooyinka waa weyn, iyaga oo u wareegay in ay u xoogasadaan  siyaabo kale, kana rajo dhigeen ku laabashada
beerihoodii iyo xoolahoodii, madaama ay kala kulmaan caqabo amni, khataro naf
iyo maalba leh.  Waxaad moodaa in haddii
aysan waxa ba qabanin ay u amaan roontahay marka ay ku jiraan wax soo saar.

Waxaa kaloo maqan daryeel hantida dabiiciga ah ee ay
ku qotonto dhaqaaleynta Beeraha, Barta iyo Bay’addaba, sida xaneeynta ama
dhowrist webiyada, dhirta, iyo duurjoogtaba.
Mana jirto mashruuc lagu hagaajiyo, ama lagu dayactiro sida
webiyada.  Waxaa jirta in Webiyada lagu
shubu qashinka, bacda iyo waxyaabo kale oo yareeynaaya mugga caadiga ah ee
webiga, waxayna ugu dambbeyn webiga sameeynaayaa fatahaad taas oo dadkii
webiyada ku  dhawaa oo biyihii ku soo
fatahan, uu fatahii meel uusan weligii gaari lahay uu gaaro, dad badana ay ku
bara kacaan, xoola badana ay ku dhumaan.
Taas oo dadkii saboolnimo u keeneysa, iyo in iskaba guurana ku
kalifeeysaa.  Qaarkood waxay ku soo
biiraan dadka bara kacyaasha ah ee deggan cirfaha magaaloonyika waaweyn, isla
markaasina uu qofkii uu lumiyo kalsoonidii iyo xifaddi uu dib uu ugu laaban
lahaa wax soo saarkii uu weligiis ku howlanaa.
Kuwii aad u adkeysta oo isku daya in ay wax soo saarkaasi ku jiraan waxy
la kulmaan caqabado aan caadi ahyn oo ay ka mid tahay qarashka wax soo saarka
oo aad u sareeya, mar kastana ay khassro ku jiraan, madaama aan badeecadoodu ay
suuq lahay, canshuur bandanna la dulsaaraayo, ayaga oo aan wax taakula ah oo ku
saabsan horumarinta wax soo saarkooda aan innaba helin.

Bal ila fiiri xaaladda Webiga Shabelle iyo sida uu
nooga duugmi karo haddii ann wax laga qabanin.

Wabi Shabeelle oo guray

Waxaa laga yaabaa in webigii uu naga leexdo ama la
leexsado madam aan anagu daryeeleynin, oo ay dhici karoto in la yiraahdo,
halkaan beri webi baa mari jiray.

Ann isweyddino, anagoo waxwalba haysano, miyaan iska
bi’inaa, oon ka tagnaa?   Mise waxeena
ayaan hagaasanaa oo aan sidii naloo soo gaarsiiyaya aan ubadkeena ubadkiisa u gaarsinna?

Waxaa hubaal ah in shacbigu ama dowladdu aysan haysan
keyd lagu bar baxo.   Dowladda aysan
sheegin marna ku caawinin dadkeeda sidii dhibaatooyinka qaar looga hortagi
lahaa, sida sici bararka, iyo raashinkii macaawanda oo go’a’, madaama dalakii
na siin jiry oo tooda la tacaalayaan…., mucaawanadaha shisheeye ma yahay mid
aan isku haleeynkarno, oo weligeed socondoonto.
Hadaba sideen uga baxnaa?  Ma ka
fakari karnaa in aan dib u eegno sidii awoowa yaasheen sadaqoda, iyo sakada ugu
geen jireen wadamo kale oo sabool ah, sidii ay uga qeyb qaateen in ay Kacbada
xariirta ugu gogleen?

Xusuusin:   in
aan keyd raashi ah yeelano waxaa naloogu sheegay Qur’aanka, Suuratu Yuusuf, Aayadaha
43 illaa iyo 49, waxayna tilmaameeysaa riyadii boqorka iyo fasirkii nabi Yusuf,
oo ahaa todobo sano oo barwaaqo ah, oo ka dambbeeyo todobo abaar.  Oo la leeyahay todobada aaranka ah wixii
dalag ah ee soo baxa in wax yar laga cuno inta kalena la keydiyo, si loogu bar
baxo todobada abaarta ah ee xigta. Ayadahaasi waxay na tusaayaan muhimadda ay
leedahay in ay dadku qorsheeystaan keydka raashinka, waxayna ka mid tahay
maareeynta abaaraha.

Waa waajib ah in ay dowladdu qaadato go’aan,
sameeyso qorsho diyaar garow ah in haddi abaari dhacdo xalkeeda  uu diyaar yahay, ka horna in ay dadaasho,
dhiiri geliso, kuna booriso, beeraleeyda in ay beeraan badar si dadk loo bahi
tiro.

Maanta dal walba ee dunidaan kuyaala wuxuu heegan
ugu jiraa in uu cunto urursado, wacyi gelin u sameeyo dadkiisa sidii ay uga
badbaadi lahaayeen aafada dagaalka, cunto yarida, iyo waxyaabo kale oo muhiim u
ah in la qorsheeyo waqtiyada dagaalada, iyo sidii loo badbaadin lahaa nool iyo
moot ba oo aafada soo gaarta ay ka bixi karaan.

Haddii aanan qorshe la’aan, tashi la’aan iyo
tacbbasho la’aan ku socono, waxaa noqoneynaa:  ma tashade, ma tacbade, ma tashiishe iyo ma
toshe, taasi waa  xaaladaha dadnimo ugu
liidata.  Waxaase hubaal ah in awoowe
yaasheen ay ka soo badbaadeen xaaladihii dhibka badnaa, oo soo wajahay, sida abaartii,
Maqaaro duba, Dabadheer, iyo aafadaha cuduro halis ah oo ka mid ahaa cuduradii
dalka haleelay sida, cudurkii dilaacay sannadkii la magac baxay  “Sabti Dooliloow”.  Waxay kaloo ka badbaadeen dagaalo sida
dagaalkii 1aad, labaad iyo iska xoreeynta isticmaarka dalkooda haystay. Waxay Somaalida
ka soo gudbeen  dhawaan  dagaalkii u gaarka ahaa ee dhaxalsiiyaya
burburkii dalka iyo dowlad ba, ee soo jiitamay ku dhawaad soddon sano.

Akhristow adigu maxay kula tahay?

Amina
Sharif XasanEmail: [email protected]

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More