Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq Qeybtii 16aad

Farxaan: Waa runtaa qalbiga qofka uu aaminsan nahay xumaan uma quura laakiin adiga maaha in aad sidaan oo dhan aad nafta u cinqaabto ka soo bax qolkaan dukaanka ayaan tageynaa iigu kaalay anigaa kuu sheekeynayo oo warkaaga rabo.

 

Fartuun:

Mahadsanid Farxaan adiga mar kasta waa isku kaa haleeyaa laakiin sidaan igu dhaaf naftaa rabto

 

Farxaan:

Ok laakiin ii balanqaad in aadan nafta cinqaabeynin oo aad hooyadana murug ku dileynin wax cun bulshadana soo dhexgal

 

Fartuun:

Waa balan saaxiib

Farxaan sidii ayaa uu adeegisii ku doontay waana ku faraxsanaa in Fartuun ay warkiisa maqasho oo ay noloshii caadiga ahaa ku soo noqoneyso Hooyo Faadumana waa ay kaga mahadcelisay.

Ma aheyn mid sahlan in Fartuun ay si fudud ku ilaawdo murugta iyo niyadjabka ay ka qaatay guuldaradii hamigeeda hadana sidaa ay tahay weli waxa ay aheyd qof aan ka samrin Ayaanle mar kasta waa ay isku dayi jirtay in ay telefoon u dirto balse tellka ayaa ahaa mid dansan waxayna qalbiga ku qaboojin jirtay in uusan caafimaad qabin oo uu jiran yahay iyadoo waliba mararka qaar isa tuseysay in Mobileka laga xaday sidaa uu dansan yahay.

Ayaanle nin caafimaad qabo ayaa uu ahaa telkana wax kala uma damin ee ma dooneynin in noloshiisa ay Fartuun qasto dhacleyntiisa ayaa uu iska waday waana ku faraxsanaa noloshaas xurnimada leh ee aan wax la iska su’aalin sax iyo Qalad waana nolol abidkii ku riyoon jiray.

Fartuun si hooyadeed u qanciso ayaa ay bilaawday in ay reerka soo dhex gasho oo iska yeesho in ay tahay qof caadi ah oo aan saameyn weyn ku yeelan guuldarada.

Mudo usbuuc kadib ayaa ay Fartuun bilaawday in ay ku soo noqoto sidii lagu yaqiin oo banaanka u soo baxda meesha kaliya ee ay tageysana waxa uu ahaa Dukaankii Farxaan waxaana imaanshaheeda ku farxay Farxaan oo yiri.

 

Farxaan:

Maxaa qalaa manta marti culus ayaa ii timidee

Fartuun inta ay qososhay ayaa ay tiri

 

Fartuun:

Xoolo qalid waxba ha isku dhibin ee xabad xanjo I sii oo aan qadada isaga dejiyo

 

Farxaan:

Diyaar oo iga qabo

 

Fartuun:

Mar kasta dhibka waad ila qeybsataa ma aqaan waxaan kugu abaal gudo

 

Farxaan:

Ma loo baahna waan isku leenahay adigaba waan ii qaban laheyd soo maaha ii waran side iminka dareemeysaa

 

Fartuun:

Xaalkeyga waa iska normal laakiin dhibka noocaan ah ma sahlana in mar kaliya laga boodo oo la ilaawo qalbigana markasta waa uu goconayaa.

 

Farxaan:

Waa runtaa laakiin isku day in aad ka soo qaato in ay aheyd riyo xun oo hal habeen ku soo martay.

 

Fartuun:

Qalbiga sidaa waa loo sheegi karaa laakiin ma sahlana inuu qaato waliba si fudud uu ku qaato.

 

Farxaan:

Waa runtaa ka waran arrintaan xaafada ma laga ogaaday

 

Fartuun:

Maya reerkeena oo kaliya ayaa la socdo

 

Farxaan:

Waa arrin fiican iminka yeysan bixin

 

Fartuun:

Reerka laf ahaantiisa ayaa kuwa xun oo cadow noo ah ay ku jiraan sow ma ogid

 

Farxaan:

Oo yey yihiin kuwaa

 

Fartuun:

Gabdhaha adeerkey waa cadowga kaliya ee aan leenahay laakiin iyagana xaasidnimada ayaa mar kasta gadaal u celisa ileyn xaasid ma liibaanee.

 

Farxaan:

Iska daa garaadkooda ayaa sidaa siiyey laakiin adiga isku day in caadi wax walba ka dhigtid oo aadan is tagoorin dadka soo dhex gal oo la dhaqan sidaaadii hore u noolaaw.

 

Fartuun:

Taasi balan aan hore kaaga qaaday ayaa uu ahaa hada maxaad iga dareentay sow ok ma ihi

Farxaan:

Haa sidaa ayaan kaa rabaa haddii aad guriga ku soo caajisto aniga ii imaaw inshah allah wax walba waa ay hagaagayaan.

Sheeko guud ayaa la galay ilaa casirkii ay gaartay Fartuun kadibna ay xaafada ku noqotay Farxaan markaan waxaa moodaa in uu doonayo in Fartuun uu dareenkiisa u sheegan karo wuxuuna qalbigiisa u sheegay in uu fursada ugu horeysay ee uu ku arko ugu sheegan doono

Dhinaca kale Amina Sahra iyo wiilkeedii Akram xaafadii ay degnaayeen ayaa ay soo dhaweyn fiican ka heleen qof walbana waa ay saacidi jirtay waxayna ka mid noqday dadka xaafada degan ee la tirsato isla markaana qaaraankii iyo taakuleynta xaafada waxayn ka aheyd qofka ugu horeeya.

Amina inkastoo ay 3 sanno ka soo maqan tahay Sadiiq hadana habeen qura ma seexan xasuustisa la’aanteeda wayna ooyi jirtay mararka qaar waana dhici jirtay in marmar uu wiilkeeda arko una weydiiyo waxa ay la ooyeyso waxayna oran jirtay aabaha ayaa soo xasuustay Akram wiil caqli badan ayaa uu ahaayee waxa uu oran jiray “” Hooyo ha ooyin aniga kuu weynaanaayo oo ku soo shaqeyn doono”” marka uu intaa yiraahdana ayaa ay ooyinta sii labo jibaari jirtay oo ay oran jirtay “” Hooyoy waxaa tahay qofka kaliya ee aan heysto ee sidii aabaha ha ii cidleyn’’.

Sadiiq laf ahaantiisa Kama marneyn gocoshada Amina waxa uu mar kasta saaxiibkii oran jiray “” Hadddii waqtiga gadaal loo celin aro waxaan sixi lahaa fogaanshihii aan xaaskeyga ka fogaaday””.

Saxiibkii Diini mar kasta waa uu dejin jiray oo u sheegi jiray in Maalin ay Amina iyo wiilkeeda ay u soo noqon doonaa laakiin Sadiiq marnaba arrinkaan ma aaminin.

Hooyo Baluush laf ahaanteeda qaladkeeda ayaa ay gareysatay markii ay aragty sida wiilkeeda uu xaalkiisa noqday waxayna mar walba wiilkeeda ku booqn jirtay gurigiisa dhiiragelintii hooyadiina waxay noqotay mid uu Sadiiq xaaladii hore ku soo noqdo oo uu dib u hamiyo inuu shaqada dib ugu noqdo wuxuuna hooyadii u sheegay in waxa uu manta wixii ka dambeeyi uu u nool yahay inuu soo helo xaaskiisa & wiilkiisa curadka si uu taa ugu guuleystana uu u baahan yahay inuu shaqeysto si uu helo dhaqaalihii uu ku baadi goobi lahaa.

Hooyo Baluush waa ay ku raacday mowqifkii wiilkeeda waxayna hortiisa ka qiratay in ay masuul ka aheyd baaba’ii reerkiisa iyo kala firdhidkii ku yimid Sadiiq wax walba oo qalad ah oo ay hooyadii qiratay waa uu ku cafiyey waxa uuna ku yiri igu Ducey in aan dib u helo farxadaan reerkeyga kula noolaa oo aan dib u midowno Hooyo Baluusha ducada ayaa ay daba dhigtay wiilkeeda wuxuuna xaalkaan ku noqday mid ay ka qoomameyso waxayna wiilkeeda u sheegtay in ay markaan tahay hooyadii reerkiisa kabi laheyd oo aysan tii kala firdhi laheyd.

Sadiiq niyadsamaanta Hooyo Baluush ayaa ka yeeshay mid uu ku dardar geliyo hamigii noloshiisa oo uusan quusan isnana dhiibin.

Sadiiq shaqadiisa ayaa uu dib ugu noqday wuxuuna bilaabay in uu lacag save gareeyo si uu markaan u qaado baadigoobkii ugu weynaa noloshiisa oo uu ku baadigoobo Amina iyo wiilkiisa wuxuuna uu bilaabay in saacado badan shaqeeeyo qorsho badan meel waa uuu dhigtay oo uu sahankiisa ku bilaabo.

Waa Sheekadii : kurbo aduun iyo kadeed caashaq  kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More