Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq Qeybtii 15aad

Mar salaadii Maqribka la adimay ayaa uu Xaaji Cabdulle gabadhiisa u soo galay oo fikir sariirt la jiifta wuxuuna weydiiyey sida ay wax yihiin iyo halka ay qabteen aqyaarta ay sheegeysay waxa ay ku hadasha ayaa ay garan weyday Xaajigana isaga oo careysan ayaa uu aqyartiisii misaajidka la aaday salaada kadib ka raali geliyey sida ay wax u dhaceen Xaajiga marka uu guriga yimid ayaa uu xaaskiisa u yeeray oo ku yiri.

 

Xaaji Cabdulle:

Maxay tahay cayaarta ay gabadhaada manta noo keentay aaway midkey shegeysay inuu soo doonanayo.

 

Hooyo Faaduma:

Wallaahi Xaajiyow ma garanayo balse gabadha aad ayaa ay u niyad jabsan tahay mana garanayo sida uu xaalka sidaa isu badalay.

 

Xaaji Cabdulle:

Igu yeer waan la hadlayaa

 

Hooyo Faadumo:

Maya Xaaji ilama haboona xilligaan gabadha iyada oo dhan ayaa murugsan

 

Xaaji Cabdulle:

Hagaag adiga gabadhaada xaalkeeda ma ka warantaa ninka armuu hore u qabay maxay kuu sheegtay xaalkeeda hoose wax ma kala socotaa.

 

Hooyo Faaduma:

In la qabo ma filaayo Xaaji laakiin gabadheyda waxaan hubaa in ay nadiif tahay oo aadan waxa qalbigaaga ku jira aadan kaga shakinin.

 

 

Xaaji Cabdulle:

Taa ma iga hubtaa ileyn gabdhaha sanadkaan la iskuma hale aniga nin safar badan ayaan ahaa waa intaa oo ay iga faa’ideysataa.

 

Hooyo Faaduma:

Xaajiyow illaahey nama ceebeeyee balse iminka aniga wax shaki ah ma qabo waan is wareysan doonaa aniga iyo gabadheyda waxaana kaa rabaa in aad iga war sugto oo aadan la hadlin.

Sidii ayaa habeenkii lagu kala seexday Fartuun ooyin iyo fikir ayaa uu waaga ugu baryey Farxaan waxa dhacay wax kalama socdo quus iyi isdhiibid ayaa uu noqday habeenkiina waaga dushiisa ayaa uu ka dul baryey.

Subaxii xilli hore ma aysan toosin Fartuun barqadii aya hooyadeed kicisay kadibna wada sheekeystay Fartuun oo weli murugta iyo niyadjabka ka muuqda ayaa tiri.

 

Fartuun:

Hooyo waa ku baryaa waxba ha I weydiin waan waalan rabaa xaalkeyga ma wanaagsana maskaxdeeda buuq badan ayaa ku furan.

 

Hooyo Faaduma:

Aniga hooyo ayaan ahay dhibkaagana waan fahmi karaa aabahaa xataa waan kaa celiyey inuu kula hadlo ayaa uu rabay ii sheeg hooyo ninkaan muxuu sidaan u yeelay muxuuse beenta kugu sheegay.

Fartuun oo ooyin ku bilaawday ayaa tiri.

 

Fartuun:

Ma aqaan hooyo

 

Hooyo Faaduma:

Bal ii sheeg yuu nahay ninkaan beenta noo wada sheegay

 

Fartuun:

Hooyo waa wiil aan iskool wada dhigan jirnay iminkana Nayroobi jira

 

Hooyo Faaduma:

Gabadheydii aabahaa hal cabsi ayaa uu qabaa

 

Fartuun:

Maxay tahay hooyo cabsidada

 

Hooyo Faaduma:

Wiilkaan armuu ku qabaa oo aad gogol wadaagteen

 

Fartuun:

Maya hooyo aniga leyma qabo qof nadiif ahna waan ahay hooyo igu kalsoonaaw aabe ma sidaa oo dhan ayaa uu ku shakiyey.

 

Hooyo Faaduma:

Waan kugu kalsoon nahay gabadheydiyee isaga hada mala hadashay ma kuu sheegay sababta ay reerkiisa u baaqdeen.

 

Fartuun:

Hooyo telefoonka igama qabanayo ma garan sababta

 

Hooyo Faaduma:

Ok adiga hada go’aankaaga muxuu yahay

 

Fartuun:

Ma aqaan hooyo aniga oo dhan ayaa isku dhexyaacsan

 

Hooyo Faaduma:

Is deji gabadheyda mar kasta dhinacaaga ayaan anay waxna ha u arkin hana ku niyad jebin weli wax kaama halaabin.

 

Fartuun:

Laakiin hooyo sow nasiibkeyga ma xuma

 

Hooyo Faaduma:

Maya gabadheyda nolosha ayaa imtixaan ah illaahna waxa uu ugu jecel yahay kan dhibka u sabra ee qalbiga celi gabadheyda.

Fartuun maalmo murugo oo aad u dhib badan ayaa u bilaabatay in ay qolka ka soo baxdana waa kari weyday wejigeeda waa siin weyday aabaheed ninkii Ayaaanle ahaana ugu dambeyn telefoonkiisa waa uu dansaday quus kii ugu dambeeyey ayaa ay gaartay Fartuun.

Intii waxaas oo dhan ay dhacayaa Farxaan kama war haayo in Fartuun nin la siiyay ayuu u heystaa yaa u sheega in Fartuun ay weli ku jirto qolkeeda oo ay murug la jiifto.

Hooyo Faaduma dhibka iyo culeyska gabadheeda heysta ayaa ay la murugtay si kalsta oo ay ula hadashana waa ay ku guuleysan weyday ugu dambeyn waxa ay go’aansatay in ay Farxaan u tagto waayo qofka kaliya ee ay xaafada la sheekeyn jirtay asiga ayaa uu ahaa.

Hooyo Faaduma si toos ayaa ay u soo aaday dukaankii Farxaan nasiib wanaag isaga oo adeeg dukaanka u doonanayo ayaa ay ka hor timid isa salaamid kadibna ugu warantay xaalka xun ee ay Fartuun ku sugan tahay markiina guriga ayaa u raacay Fartuun markii loo sheegay in Farxaan uu u yimid ayaa soo fadhiisatay Farxaan markii uu soo galay ayaa uu yiri.

Farxaan:

Maxaa is badalaya Fartuun waan kula faraxsanaa side xaalka isu badalay

 

Fartuun:

Ma aqaan Farxaanoow ma anigaa nolol qiyaali ah ku jiray oo aan nafta ku sababayey mise farxad ayaanba la ii qorin.

 

Farxaan:

Is deji muxuu sidaan u falay Ayaanle mase la hadashay

 

Fartuun:

Telefoonkiisa waa uu densan yahay

 

Farxaan:

Malaha waa uu kugu talagalay inuu sidaan kuu niyad jebiyo.

 

Fartuun:

Sidaa ma dhihi karo ilaa aan ka arko maxaa yeelay qalbigeyga waa oqf uu aaminsanaa.

Farxaan:

Waa Sheekadii : kurbo aduun iyo kadeed caashaq  kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More