Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq Qeybtii 14aad

Waad ka badbadisay waxaan jeclaan lahaa in aadan afaraheyga soo fara gelin oo aad isha iga eegto saaxiib xumaan maaha.

 

Xasan Kaafi:

Xumaan maba noqon karto laakiin dantaada in aad garato ayaa wanaangsan nolosha qiyaaliga ahna waqtiga ha iska lumin.

Farxaan intii uu jawaabin ayaa waxaa dib u soo noqotay Fartuun oo durbadiiba hadalka furtay oo tiri.

Fartuun:

Farxaan go’aan ayaa gaaray

 

Farxaan:

Go’aanka muxuu yahay

 

Fartuun:

In aad Nayrobi tago

 

Farxaan:

Reerka ma kala hadashay arrinkaan mase kuu ogol yihiin

 

Fartuun:

Reerka in aan ka dhuunto ayaan rabaa

 

Farxaan:

Taasi waa foolxumo

Xasan Kaafi oo sheegada oo dhan la socday ayaa soo dhex galay oo yiri

 

Xasan Kaafi:

Taasi waa wax ceeb kugu ah reerkana ha ka dhuumin teeda kale safar ma aha wax sahlan ee ka fiirso

Farxaan oo aan dooneynin in Xasan uu hadalka ku sii jiro ayaa warka ku soo koobay

 

Farxaan:

Guriga tag Fartuun oo is deji illaaheyna xal ha keeno

Fartuun markiiba waa ay baxday mar kastana kama caajisto in ay telkii Ayaanle ay wacdo Xasan Kaafi markii ay Fartuun baxday isagana waa uu baxay Farxaan yaab ayaa ka soo haray aad ayaana uu ula anfariiray go’aanka Fartuun ee ah in ay Nayroobi tageyso isaga oo og in tani ay isaga dhib badan ku tahay inkastoo kalsoonida iyo aqbalaada jaceylkiisa uusan heysan hadana Farxaan waxaa xogaa farxada ugu filnaa in uu arko Fartuun markasta.

Fartuun markii ay guriga tagtay ayaa waxaa si kedis ku soo wacay Ayaanle kana raali geliyey sida uu mashquulka ugu ahaa aramahiisa wuxuuna kaga farxiyey been kama dhamaadee markii ay Fartuun u sheegtay in ay damacsan tahay in Nayroobi timaado ayaa ku qanciyey in ay iska joogto oo uu isaga u soo tashan doono Nayroobina ay imaan doonto iyada oo ah xaakiisa Fartuun maantey war ay in muda ah sugeysay waxayna farxadii ula soo carartay Farxaan oo ay u sheegtay in Ayaanle uu doonayo in reerkeeda uu ka soo doonto.

Farxaan asalba farxada been oo uu isaga iska sameystay ayaa uu ku jirayee tani tii ayaa ay ka laaday oo murugna ugu badashay.

Fartuun farxada aan la qiyaasi Karin ayaa laga dheehan karay wax walba oo uu Ayaanle u sheego waa ay qaadataa sidii sheikh cilimiga dhigana waa u dhageysan jirtay waxayse is weydiinta aheyd beenta Ayaanle ilaa intee ayaa ay ka socon doontaa Fartuun xageeda qalbiga Fartuun ma gareysan doonaa in xariga uu sito uusan xoolo ugu jirin walee wax walba waayaha ayaa kala cadeyn doono.

Farxaan inuu caloosha ka ooyo mooyee wax kale uma furneyd ileyn farxada naftiisa waxaa kala weyneyd farxada Fartuun taas oo aheyd Ayaanle inkastoo samirka uu yahay mid qaraar ah hadana Farxaan wax badan ayaa uu isku dayey inuu liqo hadana waa ay ka daadegi weyday.

Amina Sahra wiilkeeda waa u adkaatay xiligaana waa fadhi barad nolosha keligana waa ay la qabsatay qofkii wiilkeeda aabihii weydiiyana waxay u sheegtaa inuu geeriyootay.

Amina inkastoo dhibaato badan iyo murug batay Sadiiq hadana qalbigeeda maalin kama bixin waxaa saloonka gurigeeda u surnaa sawirkiisa oo qofkii arka oran jiray ma Akram aabahii baa maxaa yeelay qofkii arkaa fahmi karay sida ay isugu egaayeen laakiin Sadiiq marnaba calaf uma yeelan inuu wiilkiisa dhabta inta uu saaro oo uu dhunkato.

Amina waxaa caado u aheyd in habeenada qaar inta ay wiilkeeda baalka gishato in ay ku dul ooyso waxayna markasta sawiraneysay nolosha sida ay ugu fikirtay iyo sida ay ka noqotay.

Sadiiq laf ahaantiisa Shalaay ayaa uu taagnaa wax uu sameeyna ma garan Karin 6 bilood ayaa uu raadis ku jiraa waxna ma haayo noloshiisa oo dhan ayaa isku dhexyaac noqotay qofkii arka ma garan Karin qoftii wax ka weydiisana Amina Sahra iyo wiilkeeda inuu helay waxa uu oran jiray anigaa xalaasheyda xumeeyey sow qasab maaha in aan dhibkaan mara ooyin waa ku kaabi jiray dadka inta badan waxba kama su’aali jirin Amina qofkii arkana qalbiga ayaa uu dhisaayey waxaana la oran jiray in maalin ay dib noloshiisa ugu soo noqon doonto aaminta ayaa uu ku kaalmeyn jiray.

Sadiiq naftiisa oo kaliya qaladka ma saari jirinee hooyadiis waxa uu oran jiray baaba’ii reerkeyga ayaa sabab u noqotay hooyo Baluush inkastoo naceybka Amina wax kasta u sameysay hadana shalaay ayaa ay ka joogtay qaladka ay fashay waayo ma fileynin in dhibka uu wiilkeeda marayo.

Sadiiq shaqadii oo dhan waa isaga tagay waxaa uu nolosha ku noqday keli ugu dambeyn waxaa uu ku soo aruuray qolkiisa Hooyo Baluush tani waxa ay ku qasabtay in ay wiilkeeda u soo guurto oo ay xaladiisa ogaado.

Sadiiq hamigii nolosha oo dhan ayaa ka dhuntay mana jirin cid saacidi karto ugu dambeyn waxaa loogeeyey dhaqtar cilmi nafsiga bartay si uu moraalka ugu dhiso waxaase moodaa in xoogaa Sadiiq xagga moraalka laga dhisay 6 bilooda kadibna waxaa uu dhib u bilaabay shaqadiisa inkastoo weli ay muuqato rafaadkii uu soo maray hadana inuu is adkeysto ayaa uu go’aansaday oo uu shaqeysto waayo weligii ayaa uu aaminsanaa oo uu oran jiray ninka raga shaqada ayaa uu ku sharfan yahay.

Amina Sahra waxay baratay gabdho soomaali ah oo reer Mogadihsu oo Qaahira u yimid waxbarasho waxay ka heshay nolosha Mogadishu markii looga sheekeeyey waxayn go’aansaday in ay halkaas ku noolaato waxayna kala hadashay hooyadeed inkastoo Hooyo Sareedo ay ka diiday hadana Amina Sahra waa ay ku madax adeegtay waxay garab fiican ka heshay walaasheed Canab oo ku kaalmeysay fikirkeeda.

Amina markiiba safarkeedii ayaa diyaarsaday iyo wiilkeeda sanad jirka ah waxaana lagu hagaajiyey qoys deganaa degmada Shibis ee magaalada Mogadishu markii ay magaaladii tagtay Amina waxa ka yaabiyey sida ay nolosha magaalada u tahay mid heer sare isla markaana ay kala fogaayeen fikirkii ay ka qabtay.

Amina 2 maalin kadib waxaa loo helay guri Vila ah oo ku yaal agagaarka Shineemo Xadarmuud ayaa ay iyada wiilkeeda ka deganeyd 2 qol oo ay si buuxa u qalabeysatay waxaana guriga la degnaa qoys kale.

Amina dadkii xaafada oo dhan ayaa ka helay waxayna xaafada u baratay si fiican inta badan dhalinta xageeda ayaa loo soo sheeko doonan jiray abidna qof uma sheegin nolosheeda waxay dadka u sheegtay in ay reer Qaahira aheyd ninkeeda uu dhintay sidaa ay u go’aansaday in ay halkaas ka soo fogaado si ay xasuustii hore u ilaawdo.

Maadaama ay qiratay in aysan xaas aheyn tani dhinaca kalana rag badan ayaa noqday kuwa u hasaawo tago markii ay tan dhacdana aad ayaa ay u dhibsan jirtay beenteeda waxa ay sababtay waxayna qof walba ku qancin jirtay in ay diyaar u aheyn in ay ka baxdo nolosha kelinimada.

Sadiiqna weli kama bixin baadigoobkii Amina waa aaminsanaa in aysan UK meel kaga sugneyd hadana mar kasta Idil waa uu ka baryi jiray in ay u sheegto meesha ay jirto xataa waxa uu u balanqaaday inuusan raadin doonin oo kaliya in uu ogaado xaalkooda waxayna u sheegi jirtay in ay iyada iyo wiilkeeda wanaagsan yihiin.

Idil waa ay ka warheysay Amina waana xariiri jireen tani waxay ay aheyd sir labadooda u dhaxeysa in Sadiiq aan marnaba loo sheegin meesha ay iyada iyo wiilkeeda ay joogaan.

Amina wiilkeeda Akram waxa uu noqday mid dhalinta xaafada oo dhan ay ka helaan wuxuuna ahaa wiil shaadir ah oo war badan waxa uuna sanadkiisa labaad ku jirsaday magaalada Mogadishu si caadada u ahna Amina xaflad ayaa u bixisay wiilkeeda kaas oo ciyaalka yar yare e xaafada ay macmaacaan ku siisay.

Amina nolosha farxadeeda ayaa ay ka heshay Shibis waxa ayna ku illaawday waayihii xumaa ee nolosha soo maray kaas oo ay murugta wehel kula aheyd.

Fartuun laf ahaanteeda waxay Ayaanle ka war dhowrtaba ugu dambeyn maalin ayaa uu qabtay una sheegay in maalinimada Jimcaha ay reerkiisa u imaan doonaan oo iyada reerkeeda looga soo gogol fadhiisan doono Fartuun markiiba aabaheed ayaa ay ku wargelisay inuu jiray wiil ay is calmadeen isla markaana ay iminka guur ku heshiiyeen sidoo kale beri Jimcada ah loo imaan doono aad ayaa uu u soo dhaweeyey aabaheed wuxuuna xaaskiisa u sheegay in beri ay is diyaariso oo ergada imaan doono wixii lagu soori lahaa ay diyaariso.

Fartuun farxadeeda cidna ma qiyaasi Karin Farxaan waxa uu ahaa qofkii ugu horeyay ee loo sheega muxuu sameyn karay xaalka mid soo dhamaaday ayaa uu muuqday.

Subaxii Jimcaha qofkii taga ayaa garan karay Guriga reer Xaaji Cabdulle waa Fartuun reerkeedee cida oo dhan waxa ay ku mashquulsanayeen howl oo cid kasta howl gaar ah ayaa loo diray waqti hore wax walba diyaar ayaa ay ahaayeen Saladii Casirka kadib ayaa aqyaartii Xaaji Cabdulle gogosha ku wehlin laheyd ay soo xaadireen waxaa la sugaba waa reerkii Ayaanle.

Hooyo Faadumo iyo hablaheeda waxaad moodaa in ay toodii ay ka soo baxeen wax kasta oo gogosha qurxan kara waa ay soo diyaariyeen laakiin waxaa weli maqan reerkii Ayaanle.

Fartuun mar uu maqribkii dhawaa ayaa ay Ayaanle wacday si ay u weydiiso sida uu arrinka yahay iyo in reerkiisa aysan weli xoo xaadirin waa nin beenta u saaxiib ah telkii kama qaban daalka iyo diyaaraintii howsha loo galayba waxa ay aheyd mid cayaar cayaar ah oo Ayaanle uun gabadhaas ku qasayey.

Waa Sheekadii : kurbo aduun iyo kadeed caashaq  kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More