Subaxii dambe oo uu Sadiq u soo fasax qaatay xaaskiisa ayaa uu isbitaalka ka waayey yaab ayaa ka soo haray markii la yiri waa ay baxday oo gurigeeda ayaa ay tagtay markiiba telkii guriga.
- Advertisement 1 -
Ayaa uu garaacay cidna kama qabaneyso gurigii ayaa uu ku noqday cidna ma joogto yaab iyo anafariir ayaa ka soo haray mar uu daalay ayaa uu sooo xasuustay inuu telefoonkeeda uu ka Waco misana waa uu densan tahay.
Anfariir xoogan aya galay cid uu weydiiyo ayaa uu garan waayey saxibkii ayaa uu telefoon ku wacay waxa uuna u sheegay inuusan xilligaan u imaan Karin oo uu shaqo ku jiro.
Cid kasta oo Amina taqaanay ayaa uu booqday in aysan arkin ayaa loo sheegay cid kasta oo uu weydiiyo ayaa la yaabeysay sida uu jahwareersan yahay sababta keentay naag umul ah in la waayo.
Sadiiq wax uu ku qiyaaso ayaa uu garan waayey sida kediska ah ee loo waayey Amina mar uu is yiraahdaa armaa la afduubtay inuu boliska uu wargeliyo ayaa uu ugu dambeyn go’aansaday wuxuuna doonayey inuu ilaa caawa uu warkeeda sugo.
Saaxibkii Diini ayaa habeenkii markii uu shaqada ka soo degay u yimid waxaana dhexmartay hadaladaan.
Diini:
Saxiibow ii waran maxaa sidaan oo dhan ugu qayirantay
Sadiiq:
Saxiibow wiilkeyga iyo hooyadiisba ma haayo side kaluu xaalkeyga ahaan karay
Diini:
Waan dareemi karaa saxiib bal iminka maxaad iga dambeeyey oo aad ogaaday
Sadiiq
Weli waxba cid kasta waan weydiiyey cid wax ii sheegtana ma arag
Diini:
Hadda maxaad ogaansatay
Sadiiq:
In aad police wargeliyo in aan xaaskeyga la ahay iyo waliba cunugeyga
Diini:
Taa looma baahna saaxiib
Sadiiq:
Side saxiib maxaad sidaa u leedahay ma wax ayaad ogtahay ii sheeg
Diini:
Is deji saaxiib aniga waxba ma ogi laakiin wax baan dareemayaa
Sadiiq:
Ii sheeg saaxiib maxay tahay waxa aad dareentay ee aad ku fikirtay
Diini:
Si talagal ah in ay ku maqan tahay oo aynan dooneynin in ay kula aragto
Sadiiq:
Laakiin sabab
Diini:
Sababta adiga xataa waan garan kartaa ileyn xaaskaaga ayaad ka shakitay waad faquuqday arrin aan jirin waad ku tagoortay maxaa keenay in ay DNA test ay iyada codsado waa in ay ka warheysay shakigaaga ileyn dabeecadii ay kugu taqiinay ayaa ay kaa weysay horena waan kugula taliyey in aadan aaminin hooyadaa shakigeeda ileyn mid ujeedooyin badan xambaarsan ayaa uu ahaa.
Sadiiq:
Saxiibow laakiin in aad wada hadleyno ayaa ay ii sheegtay waana ka raali geliyey
Diini:
Raali gelin oo kaliya kuma filna qaladkaan ka gashay ileyn nolosha ayaad ku faquuqday
Sadiiq:
Hada maxaan yeelaa saaxiib bal ila tali
Diini:
Talin waa ay ka weyn tahay xaaladaada iyada uun ayaa laga warsugayaa meesha ay ka soo baxdo wax kale ma haayo saaxiib
Sadiiq:
Hadda maxaan yeelaa saaxiib
Diini:
Asxaabteeda wareyso koley mid lee gurigeeda joogtaa baabuurkeeda parking kuma arkee meeyey
Sadiiq:
Laakiin saaka xiligaan guriga ka baxayey waa uu yaalay
Diini:
Micnaha gadaashaa ayaa ay timid oo ay qaadatay
Sadiiq:
Ma filaayo qof in ay u soo dirsatay ayaa laga yabaa
Diini:
Laakiin yuu noqon karaa qofkaas
Sadiiq:
Qof kale maahaa waa Idil
Diini:
Waa ayo Idil
Sadiiq:
Waa gabar Kalkaaliso ah isla markaana xilliyadaan dambe is barteen waa in aan iyada raadiyaa
Diini:
Halkee degan tahay
Sadiiq:
Wallaahi ma aqaan balse beri ayaan isbitaalka ka raadinayaa
Diini saaxibkii ayaa uu kula taliyey qalbigana ugu dejiyey in ay wax walba hagaagi doonaan oo uu seexdo.
Sadiiq marnaba hurdo kama suuroobin fikir iyo shalaay ayaa uu ku jiray markii uu waaga u baryeyna wuxuu toos u abaaray isbitaalka markii Parking baabuurka dhigtay ayaa uu meesha ku arkay baabuurkii Amina oo goobta yaal rajo ayaa gashay wuxuuna is tusay in isbitaalka aysanba ka bixin markiiba waa uu soo degdegay receiption ayaa uu magaceeda in loo baaro weydiistay waxaa loo sheegay in shalay subaxii hore ay isbitaalka ka baxday markiina Idil ayaa uu weydiiyey in ay shaqada ku jirto ayaa loo sheegay halkii loogu sheegay ayaa uu abaaray markii uu dultagay miiskii ay fadhiday ayaa uu ku yiri.
Sadiiq:
Subax wanaagsan Idil
Idil:
Hagaag Sadiiq maxaan kuu qabtaa
Sadiiq:
Waxaan albaabka ku arkay baabuurkii Amina iyada in ay isbitaalka ka baxday ayaa la ii sheegay ilaa shalayna waan raadinayey.
Idil:
Waa sida laguu sheegay
Sadiiq:
Laakiin baabuurkeeda isbitaalka ayaa uu dhinac ka yaalaa
Idil:
Haa aniga ayaa wata ilaa maalintii ay Umushay
Sadiiq:
Oo hada halkeen ka helayaa
Idil:
In ay kula kulanto diyaar uma aha
Sadiiq:
Taa iyada ayaa leh mooyee adiga ma lihid
Idil:
Hadaba codka aan ku hadlayo waa keeda Amina diyaarna uma ah in ay la hadasho ninkaan ciilka & caloolyowga batay
Sadiiq inta uu xanaaqay ayaa uu ku yiri
Sadiiq:
Waa Sheekadii : kurbo aduun iyo kadeed caashaq kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos xaalkoos@hotmail.com