Northern Somalia: Saddex caruura oo walaalo ah oo ku dhintay daad qaaday

 Jimco, April, 19, 2024 (AX) - Saddex caruura oo walaalo ah ayaa geeriyooday kadib markii uu daad ku qaaday deegaanka Xididaley ee Gobolka Saaxil ee Northern Somalia.Geerida caruurta ayaa timid ka dib markii uu qaaday daad xoogan oo ka dhashay  roobabka gu’ga oo ka curtey deegaanadaas, caruurta dhimatay ayaa iskugu jira 2 hablood iyo hal wiil, oo qoys kasoo wada jeeda."Reer dhan ayuu roobku qaaday caruurtii iyo adhigiiba, odayga iyo islaantuna way ka maqnaayeen ayaa la yidhi, waxa uu qaaday 4 caruura, markaa inan wuu…

Shirkii Hogaamiye Xasan Sheekh uu isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyada dalka oo baaqday

 Jimco, April, 19, 2024 (AX) - Shirkii golaha wadatashiga qaranka ee uu dhawaan iclaamiyay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxanuud oo lagu waday in berito uu ka furmo Muqdisho ayaa la sheegay inuu u baaqday sababo farsamo awgood.War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka ayaa lagu shaaciyay in shirka golaha wadatashiga qaran uu u baaqday cilado farsamo, islamarkaana dib loo dhigay mudo kooban.Baaqashada shirka golaha wadatashiga qaran ayaa warar hoose oo soo…

Hogaamiyaha Galmudug oo balan qaad muhiim ah u sameeyay dadka dagan dhulka dab damiska

 Jimco, April, 19, 2024 (AX) - Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa Galabta hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay guddi odayaal ah oo ka socday dadka dagan dhulka xerada dab damiska oo dowlada Fedaraalka amartay in laga guuro.Odayaashaan ayaa cabasho ka ahaa amarka ay duldhigtay dowladda Soomaaliya ee la xariiray iney isaga guuraan dhulka dab damiska oo ay dowladdu u baahan tahay.Hogaamiye Qoor qoor ayaa odayaasha ka socday dadka degan dab damiska u balan qaaday in berito oo ku…

Raysal wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay Orodyahan guul weyn u soo hooyay Soomaaliya

 Arbaco, April, 17, 2024 (AX) - Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ah Orodyahan Soomaaliyeed oo dalka u soo hooyay dhawaan guul muhiim ah.Orodyahankaan ayaa guul ka soo hooyey orodka 5000 ee mitir oo ahaa kulankii 13-aad ee ciyaaraha Afrikaanka oo ka dhacay magaalada Accra ee Caasimadda dalka Ghana 22-kii bishii Maarso 2024, isagoona kusoo guuleystay billad qalin ah.…

northeastern oo sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay xildhibaanada ku matala labada aqal ee baarlamaanka

 Arbaco, April, 17, 2024 (AX) - Maamulka northeastern ayaa sheegay inuu kalsoonidii kala noqday xildhibaanada ku matala labada aqal ee baarlamaanka ee kasoo horjeeda go'aannada ay northeastern ka qaadatay xiriirka dowladda federaalka.northeastern waxay sheegtay in xildhibaanadaas aysan northeastern ku matali karin Muqdisho.Wasiirka warfaafinta northeastern Maxamuud Caydiid Dirir ayaa yiri hadalkaan, isagoo sheegay in xildhibaanada ay northeastern u dirsatay Muqdisho, ay mucaarad ku noqdeen deegaanadii lagasoo…

Dadka dagan dhulka Dab damiska oo diidan iney ka guuraan dhulkaas

 Jimco, April, 19, 2024 (AX) - Waxaa dood aad u weyn ay ka taagan tahay dhulka xaruntii ciidanka dab damiska ee magaalada Muqdisho oo ay dagan yihiin dad shacab ah mudo aad u dheer, kuwaas oo Booliiska Soomaaliya uu amray iney isaga guuraan dhulkaas.Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa dhamaadka sanadkii tagay soo saaray amar ku socday dadka degan dhulka dab damiska, kaasoo ahaa in mudo ku siman laba bilood looga guuro dhulkaas, hayeeshee amarkaasi oo ku ekaa 25 bishii Janaayo ee sanadkan ma noqon mid dhaqan…

Somali Leader Sends Sympathies to Kenyan President Following Military Chief’s Passing

President Mohamud expressed his heartfelt condolences to the families of General Francis Ogolla and other soldiers who perished in a tragic accident in the western region. He reaffirmed Somalia's unwavering support for the people of Kenya during this challenging period. The helicopter went down shortly after take-off on Thursday afternoon, resulting in the tragic deaths of Ogolla and nine military personnel, as announced by President William Ruto in a televised speech. Fortunately, two individuals survived the crash. In…

Roobabka Guga oo si rasmi ah uga curtay gobolka Hiiraan

 Jimco, April, 19, 2024 (AX) - Roobabka Guga ayaa si rasmi ah curtay inta badan degmooyinka gobolka Hiiraan oo mudooyinkii dambe ay ka jireen kuleel aad u daran oo aan noociisa waayahii dambe la arag.Magaaloiyinka Baledweyne, Buula burte, Jalalaqsi, Halgan, Maxaas iyo Moqokori ayaa dhamaantood waxaa saacadahii lasoo dhaafay ka da'ay roobab aad u wanaagsan oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyadaba.Magaalooyinka gobolka Hiiraan oo ay ugu horeyso Baledweyne ayaa tan iyo bishii Ramadaan waxaa ka jiray kuleyl aad u daran oo ay…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More