Arsenal Oo Ku Dhaw In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Aaron Ramsdale Kadib Markii Uu Bar-Bareeyay Rikoodhkii Petr Cech
Aaron Ramsdale ayaa ku dhow inuu heshiis cusub oo waqti dheer ah u saxiixo Arsenal.
4-sano jirkaan ayaa lagu wadaa in lagu abaalmariyo qaab ciyaareedkiisa wacnaa xilli ciyaareedkan korna loogu qaado mushaharkiisa.
- Advertisement -
Ramsdale ayaa la sheegay in uu todobaadkii qaato ku dhawaad 60,000 oo Gini, waxaana qandaraaskiisa uga harsan labo sano, taasoo ay ku jirto in Arsenal ay hal sano oo dheeri ah ku kordhiso heshiiska.
Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa dooneysa inay heshiis cusub u saxiixdo kadib markii uu door muhiim ah ka qaatay qaab ciyaareedka xilli ciyaareedka.
Kaliya David De Gea (15) ayaa shabaqiisa ilaashaday in ka badan Ramsdale (13) xilli ciyaareedkan Premier League.
Goolhayaha reer England ayaa bar-bareeyay rikoodh uu dhigay Goolhayihii hore ee Arsenal ee Petr Cech kadib markii uu 10 kulan ilaashaday shabaqiisa kulamada martida.
Related