Arsenal Oo Kor U Qaaday Dadaalada Ay Ku Doonayso Saxiixa Declan Rice

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayso inay wadahadalo ku saabsan Declan Rice la furto kooxda West Ham si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Kadib markii rajadooda horyaalku soo dhamaatay guuldaradii 3/0 ahayd ee ka soo gaadhay Brighton, Arsenal ayaa isku diyaarinaysa xilli ciyaareedka dambe.

- Advertisement -

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa rajaynaya in uu sii wado dib u dhiska kooxda siina wado tartanka ay kooxdiisu ugu jirto koobabka.

Kooxda ka dhisan North London ayaa doonaysa in ay xoojiso khadka dhexe xiddia West Ham ee Rice ayaana ah bartilmaameedkooda 1-aad.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Arsenal ayaa kor u qaadaysa dadaalka iyo xiisaha ay u qabaan xiddiga khadka dhexe si ay u helaan saxiixiisa.

Arsenal ayaa diidan in ay bixiso lacagta 100 milayn ee ay West Ham dalbanayso laakiin waxa ay diyaar u tahay in ay wadahadalo la furto si ay uguala heshiiso saxiixa xiddiga.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept