Arsenal Oo Iska Iibinayso 7 Xiddig Ka Hor Inta Uuna Xidhmin Suuqa Xagaaga.

Arsenal Oo Iska Iibinayso 7 Xiddig Ka Hor Inta Uuna Xidhmin Suuqa Xagaaga.
2

Arsenal ayaa wali doonaysa in ay iska iibiso 7 ciyaartoy ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga 1-da September sida ay sheegayaan wararku.

Gunners ayaa haatan heysata 32 xiddig waxana ay doonaysaa in ay xiddigaha qaar iska iibiso sida laga soo xigtay Football.London.

Arsenal ayaa iska iibisay xiddigaha Granit Xhaka, Pablo Mari, Auston Trusty iyo Matt Turner halka ay amaah ku fasaxday xiddigah Runar Alex Runarsson iyo Marquinhos.

Laakiin waxa laga yaabaa in ay xiddigo kale ka tagaan Emiraes ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddigaha Folarin Balogun, Albert Sambi Lokonga, Kieran Tierney, Rob Holding & Nicolas Pepe ayaa ka mid ah xiddigaha uu doonayo in ay iska iibiyaan xagaagan.

Related