Andre Onana Oo Sharaxay Sababta Uu U Doortay No.24 Ee Man United.

Andre Onana Oo Sharaxay Sababta Uu U Doortay No.24 Ee Man United.

Goolhayaha cusub ee kooxda Man United Andre Onana ayaa sharaxay sababtii uu isaga diiday No.1 una doortay Xidhashada No.24.

Onana ayaa Man United uga soo biiray Inter Milan waxana uu noqday saxiixii 2-aad ee ay Man United samaysay suuqa xagaaga.

- Advertisement -

Goolhayaha reer Cameroon ayaa lacag 51 milyan ah ugu soo biiray Red Devils isaga oo badalaya David Dea Gea oo ka tagay kooxda.

Goolhayaha ayaa iska diiday in uu xidho No.1 ee Man United inkasta oo uu banaanyahay kadib bixitaankii David Dea Gea waxana uu xidhan doono No.24 kaas oo uu ku xidhay Ajax iyo Inter.

Lambarka uu doortay Onana ayaa sheegaya 2/4 kuna beegan 2 bisha April wuxuuna rajeynayaa inay nasiib wacan u keento Manchester.

Markii La waydiiyay sababta uu u doortay No.24 ayuu Onana ku jawaabay”Waan jecelahay, waana maalintii aan dhashay, waa taariikhdii dhalashadayda”.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept