Aabaha Messi Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Xiddigu Heshiis La Gaadhay Koox Kale.
Aabaha dhalay weerar yahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa beeniyay wararka sheegaya in wiilkiisu uu ogolaaday inuu u dhaqaaqo kooxda reer Saudi Arabia ee Al-Hilal.
Xiddiga todobada jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa la filayaa inuu soo afjaro waayihiisa garoonka Parc des Princes xagaagan iyadoo heshiiskiisa haatan dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.
- Advertisement -
Kooxda PSG Ayaa ganaaxday Messi kadib markii uu aaday dalka Sucuudiga iyada oo aanay kooxdu u ogolaan in uu aado dalka Sucuudiga.
Saacadihii ugu dambeeyay waxa soo baxay warar sheegaya in uu Messi heshiis waali ah la gaadhay kooxda reer Sucuudi Al-Hilal.
Si kastaba ha ahaatee, Jorge Messi ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu Messi heshiis la gaadhay kooxda uguna biiri doono qaab xor.
“Gabi ahaanba ma jiraan wax koox ah sanadka soo socda”.
“Marka uu xilli ciyaareedka dhamaado waxay noqon doontaa waqtigii la falanqeyn lahaa oo la arki lahaa waxa jira, ka dibna go’aan laga gaari doono, mar walba waxaa jira warar xan oo isticmaalaya magaca Messi”.
Related