Da’yar Mustaqbal Weyn Leh Oo Si KAFTAN Ah Xabad Laabta

Da’yarka mustaqbalka wanaagsan lahaa ee ree Portugal ee Bruno Tavares ayaa cisbitaal loola carraray kaddib markii uu mid kamida asxaabtiisu xabad (Rasaas) laabta kaga dhuftay subaxii Axada.

Sporting Lisbon oo uu Tavares ka tirsan yahay ayaa u aragta inuu yahay mid mustaqbal wanaagsan leh iyagoo heshiis shan sano ah ka saxeexday bishii May.

Balse saxaafada gudaha Portugal ayaa hadda sheegaysa in Tavares uu qarka u saaran yahay geeri waliba si kama ah ay dhibaatadu u gaadhay isaga oo gaadhi kula jiray qaar kamida asxaabtiisa.

Mid kamida asxaabtiisa ay baabuurka wada saarnaayeen ayaa la fahamsan yahay inuu soo saaray bastoolad rasaasi ku jirto iyagoo ka dhiganaya wax ay asxaab ahaan ku maadsadaan.

Si kastaba, rasaasta ayaa la sheegayaa inay si aan ulakac ahayn u dhacday iyadoo laabta kaga dhacday Bruno Tavares, 18 sano jirkaas ayaa loola carraray Cisbitaalka magaalada Lisbon ee Garcia de Orta.

Intaas kaddib Tavares oo ay noloshiisu dhimasho iyo nolol kala dhex taalay ayay dhakhaatiirtu soo saareen waxaana masuuliyadiisa la wareegay shaqaalaha caafimaadka ee kooxdiisa Sporting Lisbon.

Arrinta kale ee yaabka leh ayaa ah in saaxiibkiisa rasaasta ku dhuftay uu meesha kaga cararay bistoolada iyadoo ay boolisku hadda ku raad-joogaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

Madaxda sarre ee kooxda Sporting Lisbon ayaan sidaas kaga hadhayn Tavares qudhiisa waxaana ay doonayaan inay sharciga kooxda mariyaan marka uu soo caafimaado iyagoo ku ciqaabaya hab-dhaqankiisa.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More