RW.Guulleed oo qiray in Guddiga doorashooyinka 2021 ay kamid

Mahdi Guuleed Khadar sii hayaha Xilka Ra’iisul wasaaraha dalka.

Raysul wasaare ku xigeenka Xukumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa qiray in Guddiga doorashooyinka 2021 ay kamid yihiin shaqaale Kashaqeeya xafiisyada Hogaamiyaha iyo Raisalwasaaraha Soomaaliya.

Guudlled ayaa sheegay in 2016,guddiga doorashadda ee heer faderaal ay ahaayeen xubno ka shaqeeya xafiiska madaxweynaha iyo kan Raysul wasaaraha Soomaaliya, hadana aysan waxba ka badalnay sidii 2016-kii,

“Waxa aan garan waayay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Gobaladda Waqooyi ee 2016 iyo kuwa 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya” ayuu is waydiiyay Guulleed oo ay mucaaradku rumaysan yihiin in xafiiskiisa iyo madaxtooyadu isku koobtay magacaabista guddiyadd.

Guudlleed oo dhaliilay qoraalka musharixiinta ayaa ku tilmaamay mid ay ka muuqato  sida uu ku cadeeyay qoraal uu ku daabay bartiisa Internet-ka.

“Miyaanu arrinku ahayn “Hal” diiddani geed ay ku xoqoto ma waydo? Mise waa hawraartii Soomaaliyeed ee marka “Geela” loo heeso uu raggu “Gorayada” u heesi jiray? “Wallee ina ragow talo adduun, taada uun ma’ aha” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Hadaalkaan ayaa daba socda qoraal ay soo saareen,12 murashax madaxweyne oo u taagay xilka ugu sareeya Soomaaliya doorashada 2020-21 ayaa ku goodiyey in ay qaadici doonan doorashooyinka hadii aan xal loo helin diidmada ay kala hortageen guddiyadda doorashada ee ay magacaawday Xukumadda Raysul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay ku tilmaameen shaqaale ka tirsan Xafiiska Hogaamiyaha iyo saraakiil ka tirsan NISA inkastoo aysan soo bandhigin cadaymo muujinayo in guddiga ay ku jiraan saraakiil ka tirsan hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More