Dhaawaca Ansu Fati Oo Madax-Xanuun Cusub Ku Riday Koeman,

Da’yarka xilli ciyaareedkan aadka muhiimka ugu soo ahaa Barcelona ee Anssumane Fati ayaa mudo afar bilood ah garoomada ka maqnaan doona kaddib markii qaliin guuleystay lagaga sameeyay jilibka lugtiisa bidix.

Dhibaatada dhaawaca Fati ayaa ah midii ugu dambaysay ee ay tahay inuu Ronald Koeman xalkeeda keeno isaga oo horeba dhibaatooyin kala duwan ugala soo kulmay safkiisa Barcelona gaar ahaan weerarka.

Toddobaadyadii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkan, Ansu Fati ayaa noqday mid muhiim ka ah shaxda Koeman isaga oo kusoo bilawday siddeed kamid ah tobbankii kulan ee ugu horreeyay ee kooxda oo uu inta badan kusoo bilaabanayay garabka bidix oo uu yeeshay dhawaanahan.

Ilaa Sabtidii toddobaadkan, Ansu ayaa ahaa gool dhaliyaha ugu sarreeya ee Barcelona ee xilli ciyaareedkan kahor intii uusan Lionel Messi kala wareegin.

Qaab ciyaareedka Lionel Messi iyo xiddigo kale oo weerarka Barca ah ayaa horeba wer-wer ugu hayay Koeman isaga oo toos u qirtay inuu ka wer-wersan yahay booska weerarka ee kooxdiisa.

Haddiiba ay Barcelona sanadihii hore dhibka dhaawacyada ee gaadha xiddigaheeda xalka uga raadin jirtay suuqa January doorkan ayay macquul tahay inay sidaas wax ka duwanaadaan.

Shuruuda ku xidhan inay Barcelona saxeex samayso suuqa January ayaa lagu sheegay inay tahay inay marka hore iyadu ciyaaryahano iibiso iyadoo xiddiga ugu macquulsan ee u bedeli kara Fati lagu tilmaamay Memphis Depay oo Lyon ka tirsan.

Walow ay Barcelona Depay doonaysay xagaagii isaguna uu heshiiska shaqsiga ah lasii gaadhay haddana ma uusan usoo wareegin waxaana uu baaqi ku ahaaday Lyon.

Heshiiska 26 sano jirkaasi uu ku joogo Lyon ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan waxaana jirta fursad fiican oo ay qiime jaban ugu heli karaan January.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More