Dareenka Dhabta Ah Ee Man United Ay Ka Qabto Solskjaer &

Warar cusub oo laga helayo saxaafada England ayaa wax ka qoraya xaalada Manchester United iyo heerka ay u joogto inay shaqada ka caydhiso Ole Gunnar Solskjaer oo hadda ah tababaraha kooxdeeda cadaadisna ku saaran yahay shaqadiisa.

Man United ayaa si xoogan loola xidhiidhinayay dhawaanahan Mauricio Pochettino, marka laga yimaado inay kusoo dhibtoodeen Solskjaer xilli ciyaareedkan, tababarihii hore ee Tottenham ayaan mudo sanad ah wax shaqo ah haynin.

Man United ayaa qaab isku dhafan ku bilaabatay xilli ciyaareedkan waxaana ay haatanba la kulmeen afar guuldarro tartamada oo dhan iyagoo ku hor kufay kooxaha kala ah Crystal Palace, Tottenham, Arsenal iyo Istanbul Basaksehir oo iyadu Champions League ku garaacday.

Waxa kale ee aan caawin Ole Gunnar ayaa ah in Pochettino uu dhawaan kasoo muuqday kanaalka Sky Sports isaga oo si cad u sheegay inuu markasta shaqo tababarenimo oo cusub diyaar u yahay.

Solskjaer ayaa la xusayaa inuu wakhti aad u badan oo uusan hore ula qaadan jirin shaqsiyaadka ku dhaw dhaw sida wakiiladiisa hadda la qaadanayo.

Si kastaba, wargeyska xog-ogaalka ah ee Manchester Evening News oo hadda ka hadlay xaalada tababaraha ree Norway ayaa sheegay inuusan Ole ahayn mid ku dhaw in shaqada laga caydhiyo oo uu haysto taageerada madaxda kooxda.

Man United ayaa doonaysa inay garab istaagto tababaraha kooxdeeda oo dhexda kaga jira qorshaha uu dib ugu dhisayo kooxda isagoo hab-dhaqameedkeedii hore ku salaynaya.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More