Paul Pogba Oo Naanays Cusub U Bixiyey Marcus Rashford –

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba ayaa naanays cusub u bixiyey saaxiibkiisa Old Trafford ee Marcus Rashford oo u dabbaal-degaya sannad-guurada 23aad ee dhalashadiisa.

Da’yarka reer England ayaa Sabtidii shalay galay da’da  23 jirka, waxaana uu farriimo ka helay inta badan ciyaartoyda Premier League oo ay ugu horreeyaan asxaabtiisa Manchester United.

Laacibkan wacdaraha ka dhigay kulankii Arbacadii ee Champions League ee 5-0 ay ku garaaceen RB Leipzig oo saddexlay uu dhaliyey isagoo beddel kusoo galay, ayaa waxa kale oo uu ku halwan yahay mutadawacnimada uu cuntada uu ku quudinayo ciyaal-iskuulka aan heli karaynin cuntada waqtiga dugsiga, kuwaas oo uu isagu hormood ka noqday olole dhaqaale lagu ururinayo, isaguna uu inta ugu badan bixinayo, taas oo hore loogu maamuushay shahaada MBE bishii October.

Paul Pogba oo ka mid ahaa ciyaartoyda usoo hambalyeeyey Marcus Rashford markii uu u dabbaal-degayay xuska dhalashadiisa 23 jirka ayaa magac qurux badan oo naanays ah u bixiyey, waxaana uu waliba magacani yahay mid da’yarkan ku sifaynaya sharaf iyo karaamo.

Pogba ayaa ku magacaabay Rashford inuu yahay ‘Amiirka England’, taas oo ah naanays ay u badan tahay in warbaahinta Ingiriisku ay ku sifayn doonaan weeraryahankan wixii ka dambeeya hadda.

Farriin uu ku dabacay bartiisa Instagram ayuu ku yidhi: “Dhalasho wanaagsan Rashy, Amiirka England-oow.”

Juan Mata ayaa isaguna hambalyo ugu diray bartiisa Twitterka, waxaanu yidhi: “Dhalasho wanaagsan wiilka cajiibka ahow! Hore u soco.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More