Solskjaer Oo Soo Saaray Liiska Ciyaaryahanadda Manchester United

Ole Gunnar Solskjaer iyo xiddigihiisa Manchester United ayaa fiidkii xalay iska xaadiriyey hotelka The Lowry Hotel ee waxyar u jira garoonka Old Trafford ka hor kulankooda caawa fiidka ay kusoo dhoweynayaan Arsenal.

Manchester United ayaanu la soconin difaaca  bidix ee reer Brazil ee Alex Telles oo Korona Fayras uu ku dhacay balse Brandan Williams ayaa fursaddaas ka faa’iidaystay oo ku jira liiska kooxda iyadoo uu rajaynayo inuu kusoo bilaaban doono haddii uu jaanis ka helo Luke Shaw.

Anthony Martial oo kulankani ugu dambeeyo saddexdii ciyaarood ee ganaaxa  uu ku maqnaanayay ayaa sidoo kale maqan, halka Eric Bailly, Phil Jones iyo Jesse Lingard ay iyaguna yihiin dhaawac. Teden Mengi oo kooxda koowaad loosoo dallacsiiyey bishii September ayaan ku jirin liiska 20ka ciyaartoy ee Solskjaer uu soo saaray, waxaana sababta lagu sheegay inuu Manchester United u ciyaaray kulankii da’yarta ee U18 ee JImcihii ee FA Youth League, taas darteedna aanu diyaar u noqon karaynin ciyaartan.

Odion Ighalo, Timothy Fosu-Mensah iyo Facundo Pellistri ayaan iyagana lagu arag hotelka ay ciyaartoyda kale iska soo xaadiriiyeen.

Paul Pogba ayaa lasoo wariyey in 10 daqiiqadood kaddib ciyaartoyda kale uu soo gaadhay hotelka, waxaana la filayaa in laacibkani uu kusoo bilaaban doono kulankiisii ugu horreeyey tan iyo ciyaartii Tottenham ay 6-1 ku garaacday oo kulamadii ka dambeeyey ee horyaalka uu kaydka kasoo muuqanayay.

Ole Gunnar Solskjaer oo la weydiiyey booska ugu fiican ee uu Pogba ka ciyaarsiin karayo maadaama uu hadda isbeddelo ku sameeyey khadkiisa dhexe, ayaa yidhi: “Paul wax kasta wuu ka samayn karaa garoonka dhexdiisa, ha yaraato ama ha badnaato. Wuxuu ciyaari karaa kubbado dhaadheer, sanduuqa (xerada ganaaxa) ayuu geli karaa, waxaanu kubadda ku qaybin karaa bannaanka sanduuqa.

“Dhab ahaantii si fiican ayuu u ciyaaray, saamayna wuu yeeshay. Waanu ku faraxsanahay inaanu aragno isagoo kubadda hore u kaxaynaya oo ciyaarta saamayn ku yeelanaya.”

Waa kuwan 20ka ciyaartoy ee uu Solskjaer usoo xushay kulanka Arsenal:

David de Gea, Dean Henderson, Nathan Bishop; Aaron Wan-Bissaka, Axel Tuanzebe, Harry Maguire, Victor Lindelof, Luke Shaw, Brandon Williams; Scott McTominay, Nemanja Matic, Paul Pogba, Donny van de Beek, Fred, Bruno Fernandes, Juan Mata; Daniel James, Marcus Rashford, Mason Greenwood, Edinson Cavani.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More