Aqriso: Afarta qodob ee looga hadlayo shirka

Muqdisho (Axadle) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa si rasmi ah u furmaya maalinta berri ah, kaasi oo ka dhici doona Afisyoone, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta.

Shirka oo ay ka qeyb-gali doonaan ra’iisul wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadli doona arrimaha doorashooyinka.

Sida ay ogaatay Axadle, madaxda ayaa si gaar ah shirkooda berri ku lafo-guri doona Afar qoddob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1. Diyaar garowga doorashooyinka golaha shacabka2. Diyaarinta habraacyada doorashooyinka3. Raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka4. Dhameystirka doorashada Aqalka Sare

Kulanka berri oo uu shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in uu qabsoomo shalay, waxaana dib u dhaca sababay safarka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ugu maqna dalka Masar iyo madax goboleedyada oo aan soo wada gaarin Axadle dalka.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa gaaray Caasimadda Muqdisho ee Axadle dalka, waxaana la filayaa in madaxda kale ee weli dhiman ay Axadle soo gaaran ka hor maalinta Sabtida.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More