“Bonucci & Chiellini Waxay Jaamacadda Harvard Ka Dhigi Karayaan

Tababaraha  reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa xaqiijiyey hadalladii uu hore uga sheegay labada xiddig ee difaaca Talyaaniga ee Leonardo Bonucci iyo Giorgio Chiellini, kuwaas oo uu ku tilmaamay macallimiin xilli uu ka hadlay qaab difaaceedkooda.

Leonardo Bonucci iyo Giorgio Chiellini ayaa xalay hormood u ahaa xiddigii Talyaaniga u qaaday Koobka Euro 2020 oo ay rikoodheyaal ku garaaceen Ingiriiska kaddib ciyaar waqti dheeraad ah lagu daray oo ay barbarro 1-1 ah ku kala baxeen.

Kulankan oo Ingiriisku gool la hormaray bilowgii ciyaarta ayaa waxa ka daba yimid Leonardo Bonucci oo qaybtii labaad goolka barbarraha u keenay Talyaaniga kaas oo sabab u noqday in waqti dheeraad ah lagu daro ciyaarta ka hor intii aan rikoodhaha la dhigin.

Bonucci iyo Chiellini ayaa muujiyey bandhig ciyaareed iyo difaacis tayadeedu sarrayso, waxaanay aamusiiyeen Harry Kane, Sterling iyo xiddigaha weerarka Ingiriiska oo awoodi waayey inay dhaqdhaqaaq ka sameeyaan xerada ganaaxa dhexdhexdeeda.

Talyaaniga ayaa hore usoo reebay Spain, Belgium iyo Hungary ka hor intii aanay soo gaadhin finalka, waxaana mahadda guulahan iska leh difaacyada diiday in fursadihii ay waddamadaasi heleen ay goolal noqdaan.

Ka sokow goolka uu dhaliyey ciyaarta dhexdeeda, Bonucci waxa kale oo uu raacsaday rikoodhe uu si xarrago leh u dhaliyey kulankii England, waxaana dhamaadkii ciyaarta la siiyey abaal-marinta xiddiga garoonka, halka Chiellini uu ahaa laf-dhabar isaga iyo Donnarumma ay u qalmayeen inay heleen abaal-marintaas.

Kaddib ciyaartii xalay, warbaahinta ayaa dib ugu noqotay hadal uu Jose Mourinho yidhi sannadkii 2018 xilli uu ka hadlayay Chiellini iyo Bonucci, kuwaas oo ku tilmaamay inay tegi karayaan jaamacadda Harvard University oo ay casharro ka bixin karayaan.

Mourinho ayaa waqtigaas yidhi: “Leonardo Bonucci iyo Giorgio Chiellini…waxay tegi karayaan Jaamacadda Harvard si ay uga bixiyaan casharro ku saabsan sida loo noqdo difaac dhexe. Waxay leeyihiin tayo. Marka aan leeyahay tayo, uma jeedo oo kaliya waa hal-abuureyaal.Chiellini-Bonucci, way qurux badan tahay inaad daawato.”

Si kastaba, hadalkii Mourinho yidhi 2018 ma noqonin mid ku dhamaaday guulo la’aan xulkooda ah, waxaanay xaqiijiyeen in ay waddankooda u qaadaan koobkii labaad ee Euro ah ee ay hantaan, kaas oo ay ugu dambaysay sannadkii 1968kii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More