PSG Oo Halis Ugu Jirta Ganaax, Lacagta Ay Suuqa Gelisay Oo 250 Milyan

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan waxay suuqa gelisayy lacag ka badan 250 milyan oo Euro oo iskugu jira lacago ay kula soo wareegtay ciyaartooyo, gunnooyin ay siisay ciyaartooyda sida bilaashka ah ugu imanaya iyo gunnooyin.

PSG oo aan wali heshiis cusub la gaadhin xiddigeeda da’da yar ee Kylian Mbappe oo 11 bilood ka hadhsan yihiin waqtiga uu dhacayo qandaraaskiisu, ayaa waxa la sheegay inay halis ku jirto oo ay suurtogal tahay inay jabisay sharciga dhaqaale wanaagga UEFA ee FFP.

Paris Saint-Germain oo ciyaartay xeelad ay kaga baxsatay in UEFA ganaax ku riddo markii ay lasoo saxeexatay Neymar iyo Mbappe sannadkii 2017 oo ay labadooda oo kaliya ku bixisay 400 milyan oo Euro, ayaa waxay mar kale isku dayaysaa in ay suuqa u gasho ciyaartooyo waaweyn.

Sida uu qoray wargeyska Marca, PSG waxay kharash garaysay 250 milyan oo Gini, waxaana durba jira shaki ah inay jabisay sharciga dhaqaale wanaagga oo ay suuqa gelisay lacag ka badan inta soo gashay.

Madaxweyne Nasser Al-Khelaifi oo adeegsanaya lacagta badan ee boqortooyada Qatar ee kooxdan iska leh, ayaa waxa uu ka shaqaynayaa sidii uu u dhisi lahaa naadi awood badan oo ku guuleysan kara tartanka Champions League. Laakiin dhinaca kale, waxa madax xanuun ku haya sidii uu heshiis cusub uga saxeexi lahaa Mbappe oo afar sannadood ka hor uu kasoo bixiyey lacag ku dhow 180 milyan oo Euro.

22 jirkan oo ay doonayaan kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa PSG si xor ah uga tegi karaya June 2022, ayuu wargeyska Marca sheegay in haddii ay kooxda reer France ka saxeexdo heshiis cusub in ay bixin doonto lacago badan oo gunnooyin ah oo ay siin doonto wakiilka laacibkan iyo xataa isaga oo laga yaabo in ay siiyaan lacag si uu u ogolaado qandaraaska cusub, taas oo iyaduna sii kordhin karta halista ay kooxdu u gelayso in UEFA ay ku samayso baadhitaan la xidhiidha in ay jabisay sharciga dhaqaale wanaagga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More