“Messi Waa 34 Jir, Ciyaartoyna Barcelona Kama Weyna, Mustaqbalka

Toni Freixa oo ah murashax waayay jagada madaxweynenimo ee Barcelona oo uu labadii jeer ee ugu dambeeyay u tartamay ayaa ku dooday inaan jamaahiirta kooxdaasi aad uga wer-werin arrimaha mustaqbalka Lionel Messi.

Toni ayaa ah mid hadalo adag ku hadla markasta oo uu baraha bulshada aragti soo dhigayo isaga oo markasta hoos u dhiga muhiimada kooxdiisa xilli uu tilmaamay xiddigaha da’yarta ah ee mustaqbalka Barcelona gacmahooda ku jiro.

Freixa ayaa aaminsan in arrimaha heshiis cusboonaysiinta Lionel aysan ahayn inay muhiimada koowaad ka noqdaan kooxda maadaama oo uu yahay 34 sano jir taas bedelkeedana mustaqbalka kooxdu yahay xiddigaha ay kamidka yihiin Pedri, De Jong, Fati iyo Garcia.

“Jamaahiirta Barcelona waxay u muuqdaan kuwo aad uga wer-wersan Messi, isagu waa ciyaartoyda ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta taas shaki kuma jiro”

“Laakiin isagu waa 34 sano jir, mustaqbalkayagu waxa uu ku jiraa gacmaha Pedri, De Jong, Ansu Fati iyo Eric Garcia iyo ciyaartoy kale oo soo raaca, Barca ayaa markasta ka weyn ciyaartoy kasta”

Farriinta Freixa ayaa ah mid imanaysa xilli ay Barcelona dadaal adag ugu jirto inay heshiis cusub ka saxeexato Messi oo qandaraaskiisii hore 10 maalmood kahor dhacay, caqabada ayaa ah inay kooxdu gaadhay xadiga mushahar bixinta ee horyaalka La Liga isla markaana ay marka hore u baahantahay inay ciyaartoy iibiso.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More