Juventus Oo Guul Ku Bilaabatay Champions League, Morata Oo
Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa guul ku bilaabatay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaanay 2-0 kusoo garaacday Dynamo Kiev oo ay marti ugu ahayd magaalada Kiev ee waddanka Ukraine.
Alvaro Morata ayaa la baxsaday tababare Andrea Pirlo oo ciyaartiisii ugu horreysay ee Champions League ah hoggaamiyey Juventus, waxaana uu shabaqa soo taabtay daqiiqaddii ugu horreysay ee qaybtii dambe. Gool labaad ayuu Morata ku daray dhamaadka ciyaarta oo ay lix daqiiqadood ka hadhsan yihiin.
Juventus oo ay Groupkan kula jiraan Barcelona oo ay ciyaarta dambe ballansan yihiin iyo Ferencvaros ayaa u baahnayd inay guushan hesho iyadoo uu ka maqnaa xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, sidoo kalena uu bilowgii dhaawac ku baxay Giorgio Chiellini.
Shaxdii labada kooxood
JUVENTUS (3-5-2): Wojciech Szczesny; Leonardo Bonnuci, Giorgio Chiellini, Danilo; Juan Cuadrado, Adrien Rabiot, Aaron Ramsey, Rodrigo Bentancur, Federico Chiesa; Dejan Kulusevski, Alvaro Morata.
Kaydka: Paulo Dybala, Merih Demiral, Carlo Pinsoglio, Arthur, Manolo Portanova, Federico Bernardeschi, Gianluigi Buffon, Gianluca Frabotta.
DYNAMO KIEV (4-3-3): Georgi Bushchan; Oleksandr Karavaev, Illia Zabarnyi, Vitalii Mykolenko, Tomasz Kedziora; Mykola Shaparenko, Vitaliy Buyalskiy, Serhiy Sydorchuk; Vladyslav Supriaha, Viktor Tsygankov, Carlos de Pena.
Kaydka: Denys Boyko, Benjamin Verbic, Denys Popov, Oleksandr Syrota, Heorhii Tsitaishvili, Bogdan Lednev, Mikkel Duelund, Gerson Rodrigues, Oleksandr Andrievsky, Denys Harmash, Ruslan Neshcheret.
Tababare Andrea Pirlo oo ka hor tegay macallinkiisii yaraantii ee kulankii ugu horreeyey ee Serie A safay, Mircea Lucescu ayaa shan beddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray toddobvaadkan kooxda yar ee Crotone, waxaana uu goolka keenay Wojciech Szczesny oo beddelay Buffon, halka uudifaacana kusoo koobay saddex nin oo uu hoggaaminayo Chielleini oo bilowgiiba ku baxay dhaawac. Waxa kale oo uu kaydka dhigay Dyabala.
Chiesa ayaa helay fursaddii ugu horreysay ee Juventus ka samaysay garoonka dhexdiisa, waxaana uu garabka bidix kasoo sameeyey orod uu kusoo dhaafay Kedziora, waxaana uu kubadda lasoo galay xerada ganaaxa, laakiin goohaye Georgi Bushchan ayaa kooxdiisa ka badbaadiyey.
MURUGADII KULANKA!!! Daqiiqaddii 19aad ayuu Andrea Pirlo madaxa qabsaday, waxaanu beddelay kabtanka kooxda ahna ruug-caddaagiisa Chiellini oo uu difaaca ku hallaynayay, kaas oo dhaawac looga saaray ciyaarta, waxaana lagu soo beddelay Demiral.
Aaron Ramsley ayaa laba fursadood oo wanaagsan sameeyey qaybtii hore ee ciyaarta, waxaanay isfaham cajiib ah lahaayeen Cuadrado, laakiin goolhaye Bushchan ayaa ku noqday laf-dhuun gashay, waxaanay qaybta hore ku dhamaatay goolal la’aan.
Qaybtii labaad ee ciyaarta markii la isugu soo noqday ayay Juventus niyad ka duwan middii hore la timid, waxaanu Andrea Pirlo soo fahamsiiyey Alvaro Morata oo ay amaah kaga soo qaateen Atletico Madrid, halka ay nugul yihiin difaaca Dynamo Kiev ee ay tahay inuu ka dilo.
GOALLLLL!!! Dynamo Kiev 0-1 Juventus – Kubbad awood badan oo Dejan Kulusevski uu qabadsiiyey goolhaye Bushchan ayaa uu dib iskaga soo tufay, waxaanay lugta u gashay Alvaro Morata oo isaguna shabaqa ku hubsaday.
Andrea Pirlo ayaa beddel kusoo geliyey Paulo Dybala si uu u dardar geliyo weerarka iyo khadka dhexe ee hal-abuurka, isla markaana uu iska joojiyo in Dynamo ay awood u yeelato inay ka daba timaaddo, waxaana uu saaray Dejan Kulusevski oo goolka ka shaqeeyey.
GOOOOAAAALLLL Dynamo 2-0 Juventus – Alvaro Morata ayaa hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa, waxaana uu mar kale u dhaliyey gool uu ka caawiyey Cuadrado.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Juventus oo hadda kaddib isku diyaarin doonta ciyaarta ay Barcelona isku haleeli doonaan.