Paul Merson Oo Magacaabay Xiddig Talyaani Ah Oo Ay Tahay Inay

Khabiirka ciyaaraha Paul Merson ayaa magacaabay xiddig ka tirsan xulka qaranka Talyaaniga oo tahay in ciyaartoyda Ingiriisku ay taxadar ka sameeyaan, isla markaana ay joojiyaan haddii ay doonayaan in ay ku guuleystaan tartanka Euro 2020 oo ay finalka Axadda wada ciyaari doonaan Talyaaniga.

The Three Lions ayaa waajahaya xulkii ugu adkaa illaa hadda ee intii uu tartanku socday, waxaanay ka hor tegayaan Talyaaniga oo 33kii ciyaarood ee ugu dambeeyey aan marna laga badin, isla markaana soo wada guuleystay dhamaan kulamadii Euro ee ay soo dheeleen.

Roberto Mancini ayaa uu xulkiisu soo garaacay Belgium iyo Spain oo ay wareegyadii siddeedda iyo laba dhamaadka kusoo garaaceen, haddana waxay waajahayaan England.

Talyaaniga ayaa haysta ciyaartooyo heerkoodu sarreeyo, waxaana ka mid ah xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee Jorginho, waxaanu kabtankii hore ee Arsenal ee Paul Merson uu aaminsan yahay in loo baahan yahay in 29 jirkan si gaar ah loo xidho.

Paul Merson oo warbaahinta Ingiriiska la hadlayay ayaa yidhi: “England waa in ay joojiso Jorginho haddii ay doonayaan in ay garaacaan Talyaaniga, uma malaynayo in ay noqon doonto ciyaar gool-dhalinteedu hoosaynayso.

“Labada kooxoodba way adkaayeen difaac ahaan tartankan, laakiin labaduba way fakaag badan iyo dhaqdhaqaaq badan ku haysteen afka hore, sidaas darteed waxa jiri doona goolal badan.”

Paul Merson oo hadalkiis sii wata waxa uu intaa raaciyey: “Waa in aad joojisaan khadkaa dhexe ee Talyaaniga haddii aad doonaysaan in aad guuleysataan ciyaarta, sababtoo ah, isaga ayaa ka dhiga Talyaaniga mid adag.

“Wax walba waxay ka bilowdaan Jorginho oo cadcaddaa tartankan. Meel walba ayuu joogay, waxaanu ciyaaraha ku maamulaa baaskiisa.

“England waxay u baahan tahay inay ilaaliso isaga sababtoo ah saddex baas oo uu khadka dhexe ka dhiibo iyo shab, way ku jiraan.”.’

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More