Garsooraha Ugu Taajirsan Adduunka Ee Dhex-dhexaadinaya Finalka Euro

England iyo Talyaaniga ayaa la daawanayaa, laakiin waxay indhuhu haynayaan Bjorn Kuipers oo ah garsooraha ugu taajirsan adduunyada, kaas oo go’aamadiisu saamayn ku yeelanayaan ciyaarta.

Talyaaniga oo shaki ka qaba UEFA kaddib kulankii Denmark ee rikoodhaha aan caddayn loo dhigay, waxay ku ducaysanayaan in Bjorn Kuipers uu caddaalad sameeyo oo aanu saamayn ku yeelan culayska Ingiriiska, midka UEFA ee ay abaal-gudka ugaga dhigayso Boris Johnson iyo taageereyaasha tirada badan.

Xulka lagu naanayso The Three Lions ‘Saddexda Libaax’ ayaa waxay tageen finalkii ugu horreeyey tan iyo 1966kii, waxayna doonayaan inay koobkoodii ugu horreeyey ku guuleystaan tan iyo waqtigaas.

Bjorn Kuipers oo ah garsooraha kulankan loo doortay, waxa uu FIFA u diiwaangashanaa muddo 15 sannadood ah, waxaanad in badan soo aragtay wajigiisa, kulamo uu hayo, qaabka uu ciyaartoyda ula dhaqmo iyo in uu yahay mid aan jixinjix u samaynin ciyaartoyda. Laakiin waxa  hubaal ah in aanad waxba ka ogeyn hantida uu haysto iyo inuu yahay maalqabeen.

Wargeyska The Sun ayaa soo bandhigay xaqiiqada garsoorahan, waxaana qormo ay ka qoreen ay taageereyaasha ciyaaraha kula wadaageen xaqiiqooyinka dhinaca haynta iyo hantida ee Bjorn Kuipers.

Sannadkii 2016, waxa uu Bjorn Kuipers oo u dhashay Netherlands/Holland uu haystay adduun lacageed oo gaadhaya £11.5 iyo ganacsiyo kale oo caan ka ah waddankiisa oo lagu tilmaamay kuwo guuleystay.

Waddamada Netherlands iyo Belgium ayuu ku leeyahay dukaamo ama Supermarket-yada caanka ah ee Jumbo Kuipers, kuwaas oo uu ka helo lacago badan. Waxa kale oo ay isaga iyo xaaskiisa Marlies leeyihiin koofeero dumarka loogu dhiso timaha.

Ganacsiga ayuu aqoon dheer u leeyahay Bjorn Kuipers, waxaanu haystaa shahaada koowaad ee maamulka iyo maaraynta ganacsiga oo uu ka qaatay jaamacadda Radboud University.

Wargeyska The Sun ma sheegin hantida Bjorn Kuipers ee intii ka dambaysay sannadkii 2016, laakiin waxa la dareensan yahay in tobannaan jeer ay korodhay lacagtaasi shantii sannadood ee u dambeeyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More