Maxay Tahay Sababta Ka Danbeysa Inaan La Ciyaarin Kulanka Kaalinta

Xulka Ingariiska ayaa la ciyaaraya Talyaaniga finalka Euro 2020 oo habeenka Axada ka dhacaya garoonka Wembley ee magaalada London ka dib markii ay labadaan xul kulamadii semi-finalka ay ku soo reebeen xulalka Denmark iyo Spain.

Laakiin iyadoo ciyaartoyda Denmark iyo Spain ay iska galeen fasaxoodii xagaaga, dad badan ayaa isweydiinaya sababta ay ciyaari la’ yihiin kulanka kaalinta seddexaad oo la ciyaaro tartamada waa weyn sida Koobka Adduunka.

Ciyaaraha Qaramada Yurub ma lahan kulan loogu tartamayo kaalinta seddexaad.

Xul walba oo lagu reebo semi-finalka waxaa loola dhaqmaa si la mid ah xulalkii lagu soo reebay wareegyadii ka horeeyay, waxaana toos loogu diraa gurigooda.

Tartanka Qaramada Yurub waxaa la bilaabay sannadkii 1960kii, waxaana la ciyaari jiray kulanka kaalinta seddexaad ilaa iyo sannadkii 1980kii.

Hadaba maxaa isbedelay?

Markii ugu danbeysay ee la ciyaaro kulanka kaalinta seddexaad dalkii la oran jiray Czechoslovakia ayaa rigoore 9-8 ku garaacay Talyaaniga ka dib markii ay isku dhaafi waayeen barbaro 1-1 ah ciyaar ka dhacday magaalada Rome.

Sannadkaas, wuxuu kulankaan mutay dhaleeceyn badan oo la xiriirta inay daawadeen dadkii ugu tirada yaraa abid ee tartamada Qaramada Yurub. Taas ayaana sabab u noqotay inay UEFA gabi ahaanba baabi’iso kulanka kaalinta seddexaad.

Kulamada kaalinta seddexaad oo la ciyaaro Koobka Adduunka, Copa America iyo koobka Qaramada Afrika waa kulan aan xiiso badan laheyn iyadoo xulalka ay soo safaan ciyaartoydooda keydka ee aan fursad helin intii ay tartanka ku jireen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More