SAADAAL: Carragher Oo Saadaashii Ugu Horreysay Ka Bixiyay Final-ka

Daafacii hore ee xulka qaranka England iyo kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa saadaashiisa Final-ka Euro 2020 dhiibtay xilli ay labada xul ee England iyo Talyaanigu isku hor fadhiyaan Axada gegida Wembley ee magaalada London.

Jamie ayaa ku taageeray dalkiisu inuu qaabka ugu cajiibsan tartankaas ugaga guuleysto Talyaaniga isla markaana ay markoodii ugu horreysay abid ku guuleystaan Euro.

England ayaa wareegii afar dhammaadka 2-1 kaga adkaatay Denmark kulan 120 daqiiqo la ciyaaray oo aad u adkaa, gool uu iska dhaliyay Simon Kjaer iyo rigoore muran badani ka dhashay oo uu Harry Kane saxeexay ayaa ka saaciday inay kasoo kabtaan gool uu Mikkel Damsgaard ka dhaliyay.

Dhinaca kale Talyaaniga ayaa Final-ka tartanka gaadhay isaga oo wareegii afarta kaga soo adkaaday Spain ciyaar xiisaheedu badnaa oo rigoorayaal uu ugu dambayn ku adkaaday xulka Azzuri.

Carra oo la hadlayay Sky Sports ayaa saadaaliyay in Final-kaas aan goolal badan la iska dhalin doonin oo uu 1-1 ku dhammaan doono isla markaana England ay qaab rigoorayaal ah guushu ku raaci doonto.

“Waxaan filayaa inuu noqon doono kulan aad u adag, waxaan filayaa inuu rigoorayaal gaadhi doono oo ay England guulaysan doonto” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Jamie Carragher.

“Shaqo badan ayaynu ka qabanay dhinaca rigoorayaasha sidaas darteed yaynaan khasaare ka dhigin midaas, uma malaynayo inay goolal aad u badani ka jiri doonaan kulanka”

“Italy waa kuwo difaac ahaan aad u adag, England-na waa sidaas, waxaan filayaa inuu 1-1 noqon ku dhammaan doono oo kaddib rigoorayaal la tagi doono”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More