XOG: Sidee ku xumaaday xiriirka VILLA SOMALIA iyo guddoomiye…

Muqdisho (Axadle) – Ilo-wareedyo kala duwan lagu kalsoon yahay ayaa Axadle u sheegay in guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal (FIET) Maxamed Xasan Cirro iyo madaxtooyada Soomaaliya uu khilaaf soo kala dhaxgalay ka hor doorashadiisa. 

Xogta ayaa tilmaameysa in Cirro iyo Villa Somalia uu khilaafkooda yimid markii guddiyada lagu sameeynayay baaritaanka oo ay ka dhax arkeen magaciisa 67-ka xubnood ee ay mucaaradka gudbiteen, waxayna markaas kadib aamineyn in uusan soo laaban doonin oo laga saari doono iyo in haddii uu soo laabtana uusan xilkaan heli karin, kadibna ay xiriirka u jareen.

Sidoo kale, xubno ku dhow madaxweynaha ayaa la sheegay in marar badan oo uu xiriir lasoo sameeyey Cirro intii uu baaritaanka socday aysan ka jawaabin wicitaanadiisa, ayaga oo rumeysnaa inuu ku biiri doono xubnaha laga saarayo guddiga ee liiskooda la gudbiyey. 

Si kastaba, Cirro ayaa si lama filaan ah uga badbaaday xubnaha la tuuray, wuxuuna kadib olole u ogolay inuu noqdo guddoomiye, isaga oo aan isku haleeneyn Villa Somalia.

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysay in guusha Cirro ee doorashada guddoomiyaha guddiga ay ka dambeeyeen xubno kamid ah Midowga Murashaxiinta si gaar ahna Xasan Cali Kheyre, inkasta oo markii dambe madaxtooyada ay taageero ku dartay markii ay dareentay inuu guuleysanayo. 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Murashax Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo mucaaradka kamid ah ayaa la sheegay in ay aad u taageereen in doorashadii guddiga FIET uu ku soo baxo Maxamed Xasan Cirro oo hore xilkaan u hayay aadna ugu dhawaa Villa Somalia balse ay mar dambe xumeeyeen. 

Sidoo kale guushiisa waxaa la sheegay in uu door ku lahaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay wararku sheegayaan in uu yahay Murashax Madaxweyne. 

Maxamed Xasan Cirro iyo xubno guddiga kamid ah ayaa Arbacadii kulan la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waana Murashaxii ugu horreeyay ee la kulma guddiga FIET.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More