Ibrahima Konate Oo Xaflad U Samaystay Lambarka Cusub Ee Liverpool

Ibrahima Konate ayaa samaystay xaflad iyo damaashaad, waxa uu soo urursaday asxaabtii uu ku lahaa magaaladii uu ku dhashay, sababtuna waa in ay u rumowday riyadiisii Liverpool. Riyadani ma ahayn in kaliya uu ka ciyaaro Anfield balse waxa ku lamaanaa in uu xidho No.5 oo ah lambarka uu ugu jecel yahay.

Difaacan reer France ayay Liverpool kasoo iibsatay RB Leipzig iyadoo kasoo bixisay £36 milyan oo Gini oo ahayd lacagtii lagu burburin karayay qandaraaskiisa, waxaanu markiiba kasoo degay Anfield.

Konate oo ah ciyaartoy Muslim ah ayaa waxa uu dib ugu noqday xaafadda La Roquette ee magaalada Paris, waxaanu iskugu yeedhay saaxiibbadiisii carruurnimo oo kala qayb-galay xaflad iyo dabbaal-deg farxadeed.

Muuqaalo laga duubay laacibkan ayaa waxay muujinayaan isagoo hor-fadhiya dadkii kasoo qayb-galay xafladda oo shidaya walxo qiiq casaan iyo olol samaynaya, taas oo ah midabka dharka Liverpool. Waxa uu laacibkani kor u hayay shaadhka uu u xidhanayo Liverpool oo ay ku qoran tahay No.5 oo uu ka dhaxlay Georginio Wijnaldum.

22 jirkan ayaa qabsaday quluubta Liverpool bishii hore, markaas oo uu iska soo duubay muuqaal isagoo qaadaya heesta kooxdaasi caanka ku tahay ee ‘You’ill never walk alone’.

Liverpool ayaa dhinaceeda si rasmi ah u xaqiijiyey in Ibrahima Konate uu xidhan doono lambarkii uu banneeyey Wijnaldum ee No.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More