Manchester United Oo Uu Ka Tegay Xiddig Lagu Tilmaamo Inuu Leeyahay

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa uu ka ambobaxay mid ka mid ah xiddigaha da’yarta ah ee mustaqbalka wanaagsan, kaas oo aan qayb ka noqon doonin safka tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Manchester United oo ay joogaan ciyaartooyo badan oo waaweyn ayay yar tahay fursadda ay heli karayaan ciyaaryahannada da’yartu, waxaanay taasi ku riixaysaa in ay ka fikiraan mustaqbalkooda oo ay doontaan kooxo ay ka heli karayaan waqti ciyaareed.

Laacibka da’da yar ee Tahith Chong ayaa Manchester United kaga tegaya qaab amaah ah, waxaanu kusii jeedaa Birmingham City oo uu ku qaadan doono xilli ciyaareedka dhowaanta bilaabmaya ee 2021/22.

Tahith Chong oo ay da’diisu tahay 21 jir ayaa  xilli ciyaareedkii hore ku maqnaa horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga oo uu u ciyaarayay Werner Bremen, laakiin qaybtii dambe ee isla xilli ciyaareedkaas ayaa uu ka tegay kooxdaas, isagoo bishii January ka degay Club Brugge oo ka dhisan Belgium.

Laacibkan ayaa dalabyo ka haystay kooxo gudaha iyo dibedda Ingiriiska ah, waxaase uu doortay Birmingham City oo heerka labaad ee Championship ka ciyaarta, si uu ugu barbaaro, ulana qabsado kubadda Ingiriiska.

Chong ayaa June 2020 waxa uu Manchester United u saxeexay heshiis cusub, isagoo go’aansaday in uu u dagaallamo booskiisa halkii uu bixitaan kaga fikiri lahaa, isagoo u saftay 16 ciyaarood oo kooxda waaweyn ah oo ay ku jirtay ciyaartii LASK Linz ee August 2020 ee tartanka Europa League.

Tahith Chong oo u dhashay waddanka Netherlands, kana ciyaara garabka weerarka ayaa Manchester United kusoo biiray sannadkii 2016, waxaanay kala soo wareegeen Feyenood. Sannadkii 2019 ayuu ku guuleystay abaal-marinta Jimmy Murphy ee ciyaartoyga ugu wanaagsan da’yarta iyo sidoo kale Denzil Haroun Reserve Player oo uu isla sannadkaas qaatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More