Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Oo Lagu Eedeeyey Inuu Sabab U Ahaa

Ra’iisal wasaaraha waddanka Ingiriiska ee Boris Johnson ayaa lagu eedeeyey in uu sabab u ahaa in xulka qaranka England loo dhigo rikoodhe muran ku jiro, ciyaartii semi-finalka Euro 2020 ee Denmark ee Arbacadii, taas oo ay ugu gudbeen finalka.

Ciyaartan oo waqtigii caadiga ahaa kusoo dhamaaday 1-1, waxa lagu daray 30 daqiiqadood oo dheeraad ah, waxaana rikoodhe la siiyey Rahheem Sterling oo u muuqday in uu istuuray amaba uu ahaa rikoodhe fudud oo ay ahayd in garsooruhu aanu siinin Ingiriiska.

Goolhayihii hore ee Manchester United ee Peter Schmechel oo ah aabbaha dhalay goolhayaha xulka Denmark ee Kasper Schmeichel ayaa rumaysan, in rikoodhaha la siiyey Sterling ay sabab u ahayd cid kale oo aan garoonka joogin.

Jose Mourinho ayaa isaguna si adag u diiday, waxaanu sheegay in aanay Ingiriisku xaq u lahayn rikoodhahaas oo aanu wax qalad ahi dhicin, balse ay England u qalmaysay in ay guuleysato maadaama ay ciyaarta ku gacan sarreeyaan.

Marka laga yimaaddo shaqsiyaadka aragtidooda dhiibtay ee diiday jiritaanka rikoodhahan oo uu ka mid ahaa tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger, waxa arrin layaab ah soo tabiyey warbaahinta waddanka Talyaaniga.

Wargeyska Gazzetta dello Sport ayaa boggiisa hore waxa uu maanta ku qoray, in rikoodhaha uu garsooruhu dhigay uu sabab u ahaa Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson oo uu ahaa nooc abaal-marin ah oo ay UEFA siinaysay, maadaama uu si adag uga soo horjeedsaday tartankii kooxaha waaweyn ee European Super League oo uu qayb ka qaatay sidii loo fashilin lahaa, kaddib markii uu kooxaha dalkaas ku qasbay inay ka laabtaan.

Wargeyska ayaa qormadiisa waxa uu ku sheegay, in UEFA ay abaal-celin uga dhigaysay Boris Johnson rikoodhahaa iyo sidoo kale in xulka qaranka dalkiisu uu u gudbo finalka oo garoonka Wembley uu yimaaddo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More