Chelsea Oo 150 Milyan Hal Xiddig Duldhigaysa, Ancelotti Oo Saxeexiisii

Chelsea ayaa diyaar u ah inay 150 Milyan oo pound Borussia Dortmund uga gudbiso saxeexa Erling Haaland xilli ay horeba wadahadalo ula yeesheen shaqsiyaadka ka ag dhaw dhaw 20 sano jirkaas. (90 Min)

Manchester City tababaraheeda Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisu aysan awoodu u lahayn inay weeraryahan cusub la wareegto xagaagan.. (TVS, via Mail)

Real Madrid tababaraheeda Carlo Ancelotti ayaa kooxda u sheegay inuu doonayo saxeexa Richarlison oo kooxdiisii hore ee Everton uu kula soo shaqeeyay, Real ayaa eegaysa suurogalnimada 24 sano jirkaas lagu heli karo. (ESPN)

Wakiilka xiddiga Chelsea ee Jorginho ayaa sheegay in ciyaaryahankiisu uu kooxo kale xiiso ka helay balse uu doonayo inuu Blues kala hadlo kordhinta heshiiskiisa ilaa 2023 gaadhsiisan. (Radio Marte, via Metro)

Arsenal ayaa xiisaynaysa saxeexa 23 sano jirka khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Houssem Aouar balse marka hore u baahan doonta iibka mid kamida xiddigaha khadkeeda dhexe. (ESPN)

Everton ayaa u ogolaan doonta weeraryayanka ree Talyaani ee Moise Kean inuu amaah ku baxo markale kaddib markii uu 2020-21 kusoo qaatay PSG. (Liverpool Echo)

RB Leipzig kabtankeeda Marcel Sabitzer ayaa kaliya 17 Milyan oo pound lagu heli karaa xilli heshiiskiisu uu galayo 12-kii bilood ee ugu dambeeyay iyadoo ay istaageen wadahadaladii heshiis kordhintiisu. (90 Min)

Wolves ayaa Sporting Lisbon kula heshiisay inay 8.6 Milyan pound kaga iibiso daafaca 22 sano jirka ah ee Ruben Vinagre. (Football Insider)

Tottenham ayaa xiisaynaysa khadka dhexe ee kooxda Sassuolo ee Mert Muldur xilli West Ham United dhinaceeda ay ka doonayso 22 sano jirkaas ree Turkey. (Mail)

Bayern Munich tababaraheeda Julian Nagelsman ayaa sheegay in Leon Goretzka oo lala xidhiidhinayay Man United uu muhiim u yahay isla markaana uu doonayo inuu sanado badan la shaqeeyo. (Goal)

AC Milan ayaa kor u qaadi doonta dalabka ay ku doonayso inay heshiis cusub kaga saxeexato 24 sano jirka ree Ivory Coast ee Franck Kessie. (Gazzetta dello Sport)

Dhinaca kale daafaca midig ee Davide Calabria ayaa AC Milan kula heshiiyay heshiis kordhin ilaa 2025. (Calciomercato, via Football Italia)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More