Howl-gal ka dhacay Muqdisho oo lagu qabtay Burcad horleh – C…

Muqdisho (Axadle) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo weli howl-gallo ka wada Caasimadda Muqdisho ayaa markale gacanta ku dhigay kooxo burcad ah, xilli ay dhac ka geysanayeen gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Raggan oo watay mooto Bajaaj iyo qoray AK47 ah ayaa waxaa lagu qabtay howl-gal ay sameeyeen ciidamada ammaanka, kaas oo uu ka qeyb-qaatay maamulka.

Sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka oo soo badhigay raggaasi oo labo ahaa ayaa shaaca ka qaaday in loo gudbiyey hay’adda CID-da, si loogu sameeyo baaris dheeri ah.

Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in burcada lasoo qabtay ay dhibaato weyn ku hayeen bulshada ku dhaqan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, isla-markaana xilliga la soo qabanayey ay gacanta kula jireen fal-dambiyeedka lagu soo qabtay oo ah dhac baahsan.

Howl-galkan ayaa qeyb ka noqonayo dagaal ka dhan ah burcadda hubeysan oo ay dowladda Soomaaliya ka billowday Caasimadda Muqdisho ee Axadle Soomaaliya.

Tan iyo bishii hore oo ay billowdeen howl-galladan ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay kooxo kala duwan oo dhac ka waday qeybo badan oo ka mid ah gudaha Axadle.

Arrimahan waxa ay kusoo aadayaan, xilli lagu jiro marxalad kala guur ah, dalkuna uu aadayo doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha intaba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More