DF Soomaaliya oo jawaab kulul ka bixisay warbixintii Global …

Muqdisho (Axadle) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay warbixin dhowaan kasoo baxday Global Initiative oo ah urur caalami ah oo daraaseeya dambiyada abaabulan, wuxuuna si gaara uga hadlay arimaha kalluumeysiga.

Warqad kasoo baxday wasaaradda kalluumeysiga xukuumadda Soomaaliya oo loogu jawaabayey Global Initiative ayaa lagu sheegay in warbixinta uu soo saaray ururkaasi ay tahay dacaayad lagu suura xumeynayo horrumarada laga sameeyey kalluumeysiga.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in warbixintan si gaar ah loogu beegsaday iyada, isla-markaana laga leeyahay dano siyaasadeed, sida qoraalka jawaabta ah lagu sheegay.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale intaasi ku sii daraya in arrintan looga gol-leeyahay in lagu difaaco dano shisheeye, gaar ahaan maraakiibta xaalufinta ka wada xeebaha dalka.

Wasaaradda oo lagu dhaliilay qaabka ay u bixiso shatiyada ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaatay inay sii wadi doonto gudashada waajibaadka loo igmaday, isla-markaana ay taageeri doonto shirkadaha wadaniga ah ee ka shaqeeya arrimaha kulluumeysiga dalka.

Si kasta warbixinta kasoo baxday Global Initiative ayaa lagu sheegay inay haatan sii  xoogeysteen kuluumaysiga sharci darrada ah ee ka jira xeebaha Soomaaliya, Kadib markii hoos loo dhigay weerarada kooxaha burcad-badeeda tan iyo sanadkii 2012-kii.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in maraakiibta shisheeye ee kaluumeysiga ay si tartiib tartiib ah ugu laabteen badda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Iran, Yemen iyo Koonfurta Aasiya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More