Muxuu Arsene Wenger Ka Yiri Rigooradii Muranka Dhalisay Ee Ay Xulka

Tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger ayaa ka hadlay rigooradii muranka dhalisay ee ay England kaga badiyeen xulka Denmark kulankii semi-finalka Euro 2020 ee ka dhacay garoonka Wembley.

Raheem Sterling ayaa ku guuleystay rigoore lagu tilmaamay been abuur kulankii xalay oo ay England ku xaqiijisatay finalka.

Taabasho aad u yar ayaa soo gaartay xiddiga Manchester City kaasoo isku dhex tuuray xerada ganaaxa iyadoo garsoore Danny Makkelie uu tilmaamay gool ku laad.

Harry Kane ayaa qasaariyay rigoorada laakiin kubadii sooi laabatay ayuu dhaliyay taasoo England u soo saartay finalka oo ay la ciyaarayaan xulka Talyaaniga.

Rigooradii loo dhigay England ayaase aheyd hadal heyntii ugu badneyd ee ciyaarta iyadoo Arsene Wenger uu su’aal ka keenay sababta ay VAR u soo farogein weysay go’aanka garsooraha.

Tababaraha halyeeyga ah ayaa sheegay inay aheyd rigoore been ah isagoo u sheegay beIN Sports: “Rigoore ma aysan aheyn. Ma fahamsani sababta xaaladaan oo kale aysan VAR u soo dhexgelin, garsooraha ma uusan aadin shaashada si uu dib u eegis ugu sameeyo.

“Waqti sidaas oo kale ah, waa qasab inaan boqolkiiba 100 iska hubiso go’aankaaga.”

Rigoorada ayaa muhiim u noqotay England oo 2-1 kaga badisay Denmark islamarkaana buukimatay booskeeda finalka Euro 2020.

Xulka Three Lions waxay wajahayaan Talyaaniga maalinta Axada ee soo socota.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More