Shaxaha Rasmiga Ah Ee England vs Germany – Southgate Oo Isbeddello

Xulka qaranka England ayaa garoonka Wembley ku qaabbilaya dhiggiisa Germany oo ay isku haleelayaan wareegga 16ka tartanka Euro 2020.

Ingiriiska ayaa xasuusan waqtiyadii murugada badnaa ee ay iska hor yimaaddeen Jarmalka oo saddex jeer ay tartamada Euro iyo Koobka Adduunka ka reebeen. Koobkii Adduunka 1990kii ee Talyaaniga, Euro 96 iyo Koobkii Adduunka 2010 ee South Afrika ayuu Jarmalku ka reebay Ingiriiska.

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa sameeyey isbeddello khadka dhexe, difaaca iyo weerarka ah, waxaanu kusoo bilaabay Harry Kane iyo Raheem Sterling, waxaase uu soo raaciyey Bukayo Saka.

Khadka dhexe ayay ka wada ciyaarayaan Luke Shaw oo uu hore usoo dhigay, Declan Rice iyo Phillips, halka difaacana uu u doortay John Stones iyo Harry Maguire oo dhinacooda midig uu taagan yahay Kyle Walker iyo difaaca bidix oo uu ka ciyaarayo Kierran Trippier.

Kaydka xulka England waxa ku jira Jack Grealish iyo Jordan Henderson oo la filayay inay kusoo bilowdaan, sidoo kalena waxa fadhiya Phil Foden, Marcush Rashford iyo Jadon Sancho.

Laacibka kasoo laabtay karantiilka ee Mason Mount ayaa kaydka ku jira, sidoo kalena Reece James iyo Julen Bellingham ayaa iyaguna fadhiya.

Dhinaca kale, xulka qaranka Germany waxa ciyaartan ugu soo bilowday Kai Havertz iyo Timo Werner oo afka hore ee weerarka ka wada ciyaaraya, waxaana caawinaya Thomas Muller oo kasoo kabtay ugu uu qabay.

Laacibka khadka dhexe ee Leo Goretzka, Gosens iyo Joshua Kimmich ayaa kusoo wada bilowday khadka dhexe, halka difaacana ay taagan yihiin Mats Hummels, Antonio Rudiger iyo Ginter.

Shaxaha rasmiga ah ee England vs Germany:

ENGLAND XI: Pickford, Walker, Stones, Maguire, Trippier, Phillips, Rice, Shaw, Saka, Kane, Sterling.

Kaydka: Ramsdale, Johnstone, Mings, Coady, James, Bellingham, Mount, Henderson, Grealish, Foden, Rashford, Sancho.

GERMANY XI: Neuer, Ginter, Rudiger, Hummels, Kimmich, Kroos, Goretzka, Gosens, Muller, Werner, Havertz

Kaydka: Halstenberg, Volland, Gnabry, Leno, Musiala, Sule, Neuhaus, Sane, Gundogan, Trapp, Can, Koch.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More