Askar lagu dilay qarax ka dhacay degmada Mahadaay ee gobolka

sawir hore

Inta la xaqiijiyay Illaa saddex askari oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ayaa ku dhimatay halka labo kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii baabuur ay la socdeen ay miino kula qaraxday waddo u dhexeysa degmada Mahaday iyo deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen ciidamo ilaalo u ah sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka gaar ahaan guutada 27aad oo fadhigooyadu yahay goboladda Hiiraan iyo Shabeellah dhexe oo ka mid ah deegaanada ay xooggan Al Shabaab.

Qasaaraha ka soo gaara ciidamada milatariga miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa waxa ay ku soo kordhayaan deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.

Labo maalin kahor ayaa ciidamo ka mid ah kuwa xoogga dalka waxa ay miino ku la qaraxday meel u dhexeysa degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan waxaana ku dhintey afar askari halka ay saddex kalana ku dhaawacmeen.

Arbacadii Qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka oo marayay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa lagu dilay ku dhawaad 20 askari iyo saraakiil ciidan waxaana sheegtay Al Shabaab masuuliyada weerarkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More