GOLDEN BOOT: Halkee La Kala Marayaa Tartanka Kabta Dahabka Ah Ee

Tartanka kabta dahabka ah ee gool-dhalinta EURO 2020 ayaa si dhab ah u bulowday, waxaana tartameyaasha isku qoray tiro ciyaartooyo ah oo ay ku jiraan qaar ka  mid ah xiddigihii la filayay inay ku loollamaan, kuwaas oo ay wali qaarkood ka maqan yihiin tartanka.

Weeraryahanka reer England ee Harry Kane oo ku guuleystay kabta dahabka ah ee Koobkii Adduunka 2018 oo uu ka dhaliyey lix gool, lana saadaalinayay inuu hanan doono kabta dahabka ah ee tartanka Euro ayaan wali shabaqa taaban, waxaana ciyaartii Croatia goolka madiga ah u dhaliyey Raheem Sterling.

Romelu Lukaku iyo Cristiano Ronaldo oo ahaa xiddigihii ugu goolasha badnaa horyaalka Talyaaniga ee Serie A ayaa hoggaanka gool-dhalinta Euro wada haya, waxaanay saxeexeen min laba gool. Lukaku ayaa kulankii Ruushka ay 3-0 ku garaaceen labaley dhaliyey, halka Cristiano uu isaguna dhaliyey laba gool oo midkood rikoodhe ahaa.

Patrik Schick oo ka tirsan xulka qaranka Czech Republic ayaa Scotland ka dhaliyey laba gool oo midkood yahay goolkii ugu qurux badnaa Euro illaa  hadda.  Manuel Locatelli ayaa isaguna laba gool u dhaliyey Talyaaniga kulankii Switzerland, waxaana sidaas oo kale laba gool u leh Ciro Immobile.

Andriy Yarmolenko iyo Roman Yaremchuk oo ka wada tirsan xulka qaranka Ukraine iyo Denzel Dumfries oo Netherlands ah oo isaguna laba gool saxeexay.

Halkan kaga bogo xiddigaha illaa hadda dhaliyey min labada gool ee wada hoggaaminaya tartanka gool-dhalinta:

No.CiyaartoygaXulkaGoolalCaawin1Roman YaremchukUkraine211Andriy YarmolenkoUkraine211Ciro ImmobileItaly211Patrik SchickCzech Republic201Cristiano RonaldoPortugal201Manuel LocatelliItaly201Denzel DumfriesNetherlands201Romelu LukakuBelgium20

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More