“Waxaan Doonayay Inaan Sii Joogo, Lacagna Ma Doonayn, Waan Ogolaaday

Sergio Ramos ayaa taageereyaasha u caddeeyey in aanu marnaba doonayn inuu ka tago kooxda, isla markaana uu go’aansaday inuu ogolaado dalabkii kooxda ee ahaa inuu u cusboonaysiiyo heshiiska isagoo ka tanaasulay wax kasta oo Florentino Perez uu ku xidhay, laakiin ugu dambayntii lagu qasbay inuu iska tago.

Ramos ayaa shir jaraa’id qabtay maanta, waxaana warbaahintu wax ka weydiisay sababta dhabta ah ee uu uga tegayo kooxda uu 16ka sannadood usoo ciyaarayay, isagoo ka dooranaya cimri-dherer qandaraas iyo lacago malaayiin ah oo mushahar ah.

Laakiin Ramos ayaa beeniyey wax kasta oo hore warbaahintu uga sheegtay, waxaanu xaqiijiyey in bixitaankiisu yahay mid lagu qasbay, isagoo yidhi: “Waxyaabo badan ayaa dhacay, duruufo nololeed ayaa yimid. Waxa u horreeya ee aan jecelahay inaan idiin sheego ayaa ah, in aanan marnaba doonayn inaan ka tago Real Madrid. Waligay inaan sii joogo ayaan doonayay.

“Faahfaahin dheeraad ah haddii aan bixiyo, waxa aan ku noqonayaa waqtigii kala-xidhanka ee horyaalka LaLiga aanu ku guuleysanay ee aanu dabbaal-degnay. Markaas kaddib ayay kooxdu iisoo bandhigtay fursad aan qandaraaskayga ku kordhiyo, laakiin sababta COVID ayaa wax dib u dhigtay.

“Bilihii yaraa ee u dambeeyey, kooxdu waxay ii soo bandhigtay sannad heshiis ah oo mushaharka ladhimayo. Lacagta marnaba dhibaato iguma ahayn; Madaxweyunuhu wuu ogaa in aan caddaynayo in dhaqaaluhu aanu dhibaato ahayn, laakiin dhibaatadu waxay ka joogtay sannadaha; waxay iisoo bandhigeen sannad aniguna laba ayaan doonayay, sababtuna waa deggenaanshaha {nolosha} qoyskayga.

“Wada-hadalkii u dambeeyey waxaan u sheegay in aan aqbalay, iyaguna waxay igu yidhaahdeen heshiiskii aanu kuusoo bandhignay waqtigiisa ayaa dhacay. Waxa la ii sheegay in inkasta oo aan ogolaaday dalabkii miiska saarnaa, in uu lahaa waqti uu ku dhacayo mar dambena kooxda wax dalab ah kama maqal.”

Sergio Ramos ayaa la weydiiyey in Madaxweyne Perez uu la socodsiiyey in dalabkaas loo soo bandhigay uu lahaa waqti uu ku dhacayo, ayaa ku jawaabay: “Waxa jiray kulamo qarsoodi ahaa, waxa jiray waxyaabo shaqsi ah, laakiin waxa kale oo aan ku wargelinayay wakiilkayga [walaalkii, Rene Ramos], waxaananu la yaabnay in dalabkaas uu waqtigiisu dhacay iyadoo aan lana ogeysiin. Qofna nama siinin waqti kama dambays ah.”

Sergio Ramos waxa kale oo la weydiiyey xidhiidhka uu la lahaa Madaxweyne Perez, waxaanu ku jawaabay: “Xidhiidhka aan la lahaa Madaxweynuhu wuxuu ahaa mid cajiib ah, waxa uu ahaa aabbahay oo kale aniguna wiilkiisa oo kale. Mar walba waan uga mahad-celinayaa.

“Isaga ayaa ikeenay Real Madrid, mana bixinayo warbixin isaga lid ku ah, sababtoo ah qoysaska dhexdoodaba waxa ka dhaca dagaal, qof kastaana wuxuu eegtaa danihiisa, laakiin maanta, waxa aan xasuusanayaa salaanta aanu xabbadka is-gelinay.

“Is-faham darradii waa laga soo gudbay, mana doonayo khilaaf laakiin waxa aan sheegayaa runta.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More