Xul Ka Qeygalaya Euro 2020 Oo Soo Bandhigay Tababar Qariib Ah Oo Lala

Taageerayaasha kubada cagta ayay amakaak ku noqotay qaabka qariibka ahaa ee ay tababarka u sameynayeen xulka North Macedonia ka hor kulankooda koobka Qaramada Yurub ee Ukraine.

Xulka yar ayaa laga badiyay kulankoodii furitaanka ee Euro 2020 ee ay la ciyaareen Austria, iyadoo Goran Pandev iyo asxaabtiisa ay isku diyaarinayaan inay gaaraan guushoodii ugu horeysay.

Sidaasi darteed waxay ugu diyaargarboobeen kulankooda labaad si qariib ah iyagoo ku tartamay caagaga garoonka ee tababarka lagu sameeyo.

Muuqaal laga soo duubay ayaa muujinaya iyadoo ciyaartoyda ay la ordayaan caagaga oo ay kubada dul saareen ka hor inta aysan kubadaha isweydaarsanin.

Marka ay ciyaartoyda kubada wareejiyaan waxay dib ugu ordayaan booskoodii hore si ay iyagana dib u helaan kubada iyagoo isticmaalaya caagagaan.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka tababarka qariib ah ee ay sameeyeen xulka North Macedonia:

?? North Macedonia training, cone race edition ?@ffmmkd | #EURO2020 pic.twitter.com/wuJjTk3EaP

— UEFA EURO 2020 (@EURO2020) June 17, 2021

Tababarkaan xiisaha leh ee ay sameeyeen xulka North Macedonia ayaa waxaa soo dhaweeyay taageerayaal badan halka qaar kale ay ka soo horjeesteen.

Taageere ayaa ku kaftamay: “Tani ayaa sabab u noqoneysa inaan ku guuleysano koobka.”

Mid kale ayaa yiri: “Waa tababar weyn. Waa inay iskululeeyaan iyagoo baashaalaya islamarkaana dhoolacadeynaya. Imissa ayaan aragnaa ciyaartoyda niyadjabsan oo tababar sameynaya ka hor ciyaarta.”

Mid seddexaad ayaa yiri: “Waa tababar dhisaya wada shaqeynta iyo wadajirka.” halka mid kale uu yiri: “La yaab ma ahan inaysan badin karin.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More