Halkan Kaga Bogo Afarta Kulan Ee Ay Chelsea Ku Jirto Ee Ay Koobka

Liverpool ayaa waayaysa qaar kamida xiddigaha kooxdeeda ugu muhiimsan inta uu socdo horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2020-21 iyagoo kaga maqnaan doona ciyaaryahanadaasi koobka Africa ee Afcon.

Rabitaanka Liverpool ee ah inay kasoo kabato hoos u dhacii xilli ciyaareedkii hore ayaa durtaba dhirbaaxo haleeshay kahor inta uusan bilaabmin xilli ciyaareedka cusubi.

Liverpool ayaa January waayaysa xiddigaha kooxdeeda ee kala ah Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Naby Keita kuwaas oo ka qayb gali doona Afcon.

Afcon 2021 ayaa ah mid bilaabmi doona 9-ka bisha January kahor inta uusan xidhmin 6-da Feburary, saddexdaas xiddig ee muhiimka u ah Liverpool ayaa dhammaantood la hubaa in haddii ay taam yihiin dalalkoodu u wacan doonaan.

Koobka oo ahaa mid loo qorsheeyay inuu dhaco sanadkan 2021 ayaa dib loo dhigay mudo sanad ah sababo la xidhiidha caabuqa Korona Fayras.

Kulanka ugu horreeya ee ay Reds ka maqnaan karaan saddexleydaasi ayaa ah mid muhiim u noqon kara go’aaminta horyaalka iyadoo ay booqanayso Liverpool dhigeeda Chelsea iyo garoonka Stamford Bridge maalinta sanadka cusub ee 1-da January 2022.

Walow ay Liverpool ka maqnaan doonaan Salah iyo Mane oo muhiim u ah gool dhalintooda ayay iyaga qudhoodu ku farxi doonaan in Blues ay dhinacooda waayayaan goolhaye Edouard Mendy oo isaguna Senegal tagaya.

Intaas kaddib Liverpool ayaa saddex kulan oo kale oo muhiim ah la kala ciyaari doonta Crystal Palace, Brentford iyo Leicester City.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More