DAAWO: Pogba Oo Muujiyay Sida Uu Islaamka Ugu Adag Yahay & Quraarad

Khadka dhexe ee xulka France ee Paul Pogba ayaa hortiisa ka qaaday quraarad Heineken ah xilli uu ku jiray shir jaraa’id kaddib markii ay xalay dhigooda France la ciyaareen, dhacdada ayaa imanaysa maalin kaddib markii uu sidaas oo kale sameeyay Cristiano Ronaldo.

Pogba oo ah xiddig muslim ah ayaa quraarada uu iska qaaday ay ahayd mid khamri ah waxaana samaysa shirkadda Heineken isaga oo hoos dhigay miiska uu fadhiyay marka uu qabanayay shirkii jaraa’id ee ciyaartii ay 1-0 uga adkaadeen Germany.

28 sano jirkaas ayaan wax sharaxaad ah bixin kaddib markii uu quraaradaas ka qaaday miiska balse sida iska cad waxa uu u sameeyay arrimo diineed iyo in Islaamku xaaraantimeeyay khamrada.

Dhacdada ayaa imanaysa kaddib markii uu Ronaldo dhawaan sidaas oo kale sameeyay walow uu isagu qaaday caagado Cocacola ah isaga oo jamaahiirta u sheegay inay bedelka sharaadabaas cabaan biyo.

Talaabada uu qaaday Ronaldo ayaa ahayd mid si weyn u taabatay dunida iyo shirkadda Coca Cola labadaba iyadoo ay wararku sheegayaan in shirkadaasi ay 4 Bilyan oo dollar hoos u dhacday marka la eego qiimihii ay hore suuqa ugu joogtay.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Pogba

First Ronaldo with the Coca-Cola…

Now Paul Pogba wasn’t happy with the Heineken in front of him at his press conference ?❌ pic.twitter.com/SU1ifQPGOP

— Goal (@goal) June 16, 2021

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More