Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Isku-aadka Horyaalka

Isku-aadka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka 2021/22 ayaa la samayn doonaa subaxnimada berri oo Arbaca ah, waxaananu halkan idiinku soo gudbinaynaa faahfaahin la xidhiidha qaabka loo samaynayo.

Shabakaddaha Laacib iyo Goal24 ayaa diyaar idiin ah waqtiga isku-aadka oo aad kala socon doontaan wararka la xidhiidh, laakiin ka hor ayay tahay inaad ogaato waxyaabo muhiim ah.

Tirada kulamada Premier League ee la ciyaari doono 2021/22: 380 ciyaarood.

Tirada kooxaha: 20 naadi

Goorma ayuu soo baxayaa isku-aadka xilli ciyaareedka 2021/22?: Isku-aadka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee xilli-ciyaareedka 2021/22 ayaa lasoo saari doonaa subaxnimada Arbacada berri ee June 16,2021. Maamulka Premier League ayaa shaacin doona jadwalka marka ay saacaddu tahay 11am waqtiga Geeska Afrika.

Goorma ayuu horyaalku bilaabmi doonaa?: Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee xilli ciyaareedka 2021/22 ayaa bilaabmi doona maalinta Sabtida ee August 14, 2021, taas oo qiyaas ahaantii ku beegan bil kaddib marka uu soo dhamaado tartanka qaramada Yurub ee Euro.

Gooarma ayuu dhamaan doonaa xilli-ciyaareedak 2021/22?: Horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka 2021/22 ayaa waxa uu dhamaan doonaa maalin Axad ah oo ay taariikhdu tahay May 22, 2022.

Sidee ayaa loo sameeyaa isku-aadka horyaalka Premier League?

Kooxaha ku jira horyaalka Premier League ayaa loo qaybiyaa laba meelood oo min 10 kooxood ah, waxaana sidaas lagu shaaciyaa marba labada isku beegmaya. Inta isku aadku socdo, waxa la xaqiijiyaa in aanay kooxina wax ka badan saddex kulan ay ku ciyaarto garoonkeeda ama marti noqoto shan kulan gudahood. Waxa kale oo laga ilaaliyaa, in laba kooxood oo deris ah ay isku hal maalin iyo isku waqti garoomadooda ku ciyaraan. Tusaale ahaan, Manchester United iyo Manchester City ama Liverpool iyo Everton hal maalin kuma wada ciyaari karaan garoomadooda, waana in mid garoonkeeda ku ciyaarto, tan kalena marti noqoto.

Kooxaha horyaalka Premier League ku dagaallami doona xilli-ciyaareedka 2021-22:

Arsenal

Aston Villa

Brentford

Brighton & Hove Albion

Burnley

Chelsea

Crystal Palace

Everton

Leeds United

Leicester City

Liverpool

Manchester City

Manchester United

Newcastle United

Norwich City

Southampton

Tottenham Hotspur

Watford

West Ham United

Wolverhampton Wanderers

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More