RIKOODH: Ronaldo Oo AFAR Rikoodh Jabiyey CAAWA & Taariikhda Gaarka Ah

Cristiano Ronaldo ayay u ahayd habeen farxadeed oo uu dalkiisa guul ku hoggaamiyey, sidoo kalena uu jabiyey rikoodho taariikhi ah.

Xiddigan reer Portugal ayaa laba gool saxeexay ciyaartii uu dalkiisu 3-0 kaga badiyey Hungry, iyadoo lagu ciyaarayay magaalada Budapest ee caasimadda Hungry, halkaas oo uu kala soo laabtay saddex rikoodh iyo dalkiisa oo isaguna guusha ku darsaday rikoodh cajiib ahaa.

Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee ka qayb-galay shan jeer tartanka qaramada Yurub ee Euro, mana dhicin ciyaartoy isaga ka horreeyey oo shan jeer kasoo qayb-galay tartankan.

Sannadkii 2004 ayuu Ronaldo oo ay da’diisu ahayd 17 jir waxa uu u ciyaaray xulka qaranka Portugal, waxaana uu ku xigsiiyey 2008, 2012, 2016 oo ay koobka ku guuleysteen iyo 2021 oo kulankii ugu horreeyeyna laba gool u dhaliyey xulka dalkiisa.

Ronaldo ayaa rikoodhkan ku darsaday dhawr kale oo cajiib ahaa. Waxa uu noqday ciyaartoygii ugu goolasha badnaa tartanka qaramada Yurub ee Euro, waxaana goolkiisii 10aad u ahaa rikoodhihii daqiiqaddii 85aad uu ka dhaliyey Hungry iyadoo goolkiisii 11aadna uu raaciyey dhamaadkii.

Ronaldo oo ay da’diisu tahay 36 sannadood iyo 130 maalmood ayaa noqday ciyaartoygii ugu da’da weynaa ee Portugal u dhaliya gool tartan weyn, waxaanu jabiyey rikoodhkan oo uu hore u haystay Pepe oo Koobkii Adduunka 2018 gool ka dhaliyey isagoo 35 sannadood iyo 124 maalmood jiray.

Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale noqday ciyaartoygii ugu da’da weynaa ee tartanka qaramada Yurub hal kulan ka dhaliya laba gool ama ka badan (laba gool ayuu isagu dhaliyey), waxa uu sidaas ku jabiyey rikoodhkii Andiy Shevchenko oo isagoo 35 sannadood iyo 256 maalmood jira laba gool u dhaliyey Ukraine.

Xulka Portugal ayaa isaguna dhigay rikoodh, waxaanu noqday dalkii ugu horreeyey ee tartanka qaramada Yurub ka dhaliya saddex gool ama ka badan 10ka daqiiqadood ee ugu dambeeya ciyaarta, waxaanay iyagu taariikhdan ku sameeyeen lixdii daqiiqadood ee ugu dambeeyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More